U bood dhigaalka

Warbixin: Xayiraadda Sacuudiga Ee Xoolaha Soomaaliya Oo Saameyn Ku Yeelan Doonta Dhaqaalaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dalka Sacuudiga ayaa xayiraad KMG ah saaray xoolaha Soomaaliya, saameynta ay arrinkaas dhaqaalaha ku leedahay ayaa kala hadalney qaar ka mid ah madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamullada dalka ka jira.

Wasiirka xanaanada xoolaha dhirta, iyo daaqa  Soomaaliya Siciid  Xuseen Ciid  ayaa sheegay in xayiraada sucuudigu uu saaray  xoolaha Soomaaliya ay culays dhaqaale  ku keenayso dalka iyo in ay uga sii darto abaaraha deegaano badan oo Soomaaliya ah ka jira.

Wasiirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa intaas ku daray in dalka Sucuudigu talaabadan ku sababeeyey in xoolaha Soomaalida laga helay cuduro .

Dhanka kale Wasiirka xanaanada xoolaha ee maamulka Somaliland Cabdulaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid taabanaysa  nolosha dadka Soomaaliyeed madaama ay xooluhu yihiin isha ugu xoogan ee ay Soomaalidu dhaqaale ka hesho  “Waxaanu aad uga xunnahay  talaabada uu sucuudigu ku sheegay in ay Soomaalida xoolahoodii joojiyeen  , waana arrin nolosheena saamayn ku leh madaama  uu dhaqaalaheenu ku tiirsanyahay xoolaha,  guud ahaana xoolaha la hakiyey waa kuwii Soomaalida ee dhulka Soomaaliyeed oo dhan ka imanaayey manaanu jeclaysanin warkaasi “ ayuu yiri Wasiirka Cukuse.

Wasiirkan  Cabdilaahi Cukuse ayaa sidoo kale sheegay inaan la siyaasadayn Karin xoolaha  madaama ay tahay nolosha qofkasta oo Soomaali ah sida uu hadalkiisa u dhigay” lama siyaasadayn karo oo lama dhihi karo xoolihuu koonfurta Soomaaliya ka imanaayey  ayaa xanuunsan  ama kuwii dhulka Soomaalida Ethiopia , annaguse waxaanu caddaynaynaa  in xoolaha dhulka Somaliland laga dhoofiyo ay caafimaadkooda  dhammaystiran yahay oo aanay wax cuduro ah qabin oo waanu baarnaa ,”

Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in ay dhawaan wasaarada xanaanada xoolaha  ee Somaliland ay bilaabi doonto qorshe saddexdii biloodba mar ay ku hubin doonaan caafimaadka guud ee xoolaha Somaliland iyaga oo xogtana u gudbin doona dalka Sucuudiga waxaana arrintaasi kala shaqayn doona hay’ado  ay ka mid tahay OIE.

Dhinaca kale waxaanu la hadalnay Axmed Ismaaciil Ilkacase oo ah ganacsade dalka sucuudiga u dhoofiya xoolaha  isaga oo ku sugan magaalada Burco  waxa uu noo  sheegay in nolosha bulshada iyo tiisa gaar ahaaneedba ay saamayn taban ku yeelanayso hakadka sucuudigu ku sameeyey xoolaha Soomaalida , waxaanu sheegay in ay u baahanthaya in laga shaqeeyo sidii dib loogu furi lahaa ka dhoofinta xoolaha isaga oo ka hadlaaya saamaynta ayuu yiri” anigu Burco ayaan joogaa maanta xoolihii qiimahoodii ayaa hoos u dhacay ka dib markii uu yimi warkan sheegaya in sucuudigu hakiyey in loo dhoofiyo  xoolo Soomaaliyeed , nolosha Soomaaliduna waa isku wada xirantahay oo ka baadiye jooga iyo kan magaaladuba waxay ku wada nool yihiin xoolo, anigu waxaan dhoofiyaa xoolaha  aad ayaan uga walaacsanahay runtii arrintan , oo noloshayda qayb ka ah “.

Inkasta oo Wasiirka xanaanada xoolaha ee Somaliland uu sheegay inay markasta hubiyaan caafimaadka xoolaha ay dhoofinayaan hadana  ganacsade Ilkacase  oo isagu deegaanada Soomaaliland xoolaha ka dhoofiya  waxa uu maamulka dawladda ku eedeeyey inaanay xad dhaaf ka dhigtay tirade  maxjarada xoolaha lagu baaro ee ku yaalla Berbera oo waqtigan afar ka badan kuwaasi oo uu sheegay inay dhallin karto tuhun laga qaato caafimaadka xoolaha Soomaalida oo tiro badan laga dhoofiyo dekadda Berbera .

Sucuudiga ayaa  hore dhawr mar sidan oo kale u joojiyey xoolaha Soomaalida isaga oo inta badan ku tilmaama  inay qabaan xanuuno uu ka mid yahay  xumadda loo yaqaano Rift Valley Fever oo ah  xanuun badanaa  ku dhaco xayawaanka duur-joogta ah .

W/Q: Cumar Serbiya

Goobjoog News