U bood dhigaalka

Warbixin: Xukuumadda Kheyre Oo Lagu Eedeeyay Is Hor-istaagga Kulanka Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Kulanka 16-aad ee golaha shacabka oo maanta loogu ballansanaa la xisaabtanka xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre ee arrintii dhiibistii Cabdikarim Qalbi-dhagax ayaa u baaqday kooram la’aan.

Guddoomiyaha golaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa uu sheegay in arrinkan uu yahay nasiib darro una dhacday si kutalagal ah isaga oo ku hanjabay isla xisaabtan dhab ah sida uu qabo Xeer-hoosaadka golaha qodobkiisa 16aad, faqradiisa 5aad.

Hadaba, Maxaa keenay in si kutalagal ah loo baajiyo kulanka golaha shacabka? Yaa arrinkaasi ka dambeeyay, waxaa su’aalahaasi ka jawaabaya qaar ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo baaqashada kulanka ka hadlaya waxaa uu sheegay “Kooramka waxaa uu u baaqday Xildhibaanno soo xaadiray oo hadana aan saxiixin buuggii is-xaadirinta, arrintaas uu tillaabo ka qaadi-doono guddoonka”.

Xildhibaan Dhalxa oo ka hadlay arrinta ONLF waxaa uu ku dheeraaday sida jabhadaasi looga taageeray gudaha Soomaaliya oo weligeed u aheyd xaq-u-dirir, go’aanka xukuumadda oo jabhadda waxaa uu ku sheegay mid aan laga fiirsan, oo ku soo laaban doonta xukuumadda.

Xildhibaan Mahad Salaad oo isna caro ka muuqato ayaa ku qeyliyay “Waxaa meeshan ka dhacay in wasiirradii inta la soo adeejiyo, iradaha laga galo golaha shacabka istaagaan, oo  ay Xildhibaannada qof, qof  gacanta uga dhagaan, oo ay yiraadaan, Yaan la saxiixin, Yaan laga qeyb-qaadan furitaanka kulanka baarlamaanka, ayadana ceeb 2aad oo meeshan ka dhacday ayey aheyd, waxaan rabnaa in aan umadda Soomaaliyeed u sheegno, wixii meeshan ka dhacay maanta mas’uuliyadeeda waxaa qaadanaya xukuumadda iyo dadka ay soo adeejiyeen”

Dhankiisa Xildhibaan Zakaiye Maxamud Xaaji waxaa uu xukuumadda ku eedeeyay wixii dhacay“Niman xukuumadda ka tirsan, oo wasiirra ah ayaa diiday in ay saxiixaan, halkaas ayey yimaadeen, waa diideen in ay saxiixaan haddii ay iyagu saxiixi lahaayeen kooramka waa buuxsami lahaa”.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi ayaa waxaa ay qabtaa”Tillaabada ay ku kacday dowladdu, baarlamaanka markii uu rabay in uu ka hadlo in jid walba oo la fariistay baarlamaanka, in halkaasi xukuumadda u fariisatay oo ay tiri ha saxiixina, oo 100 iyo inta saxiiday ay qasan ku saxiixeen, oo ay dhaheen, Damiirkeyga aniga ayaa iska leh, codkeyga aniga ayaa iska leh, Saxiixeyga aniga ayaa iska leh, waxaan shacabka u sheegeynaa in musuqii ugu weynaa ay xukuumadda ku kacday, in ay khalad tahay iyada oo xukuumadda wasiiradii ka tirsanaa ay fadhiyaan ayna saxiixin, oo ay yiraahdaan Kooramka yaanu buuxsamin, Qadiyadda qalbi-dhagax uma taallo koox yar oo is uruursatay, waxa ay u taalla shacabka Soomaaliyeed”

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ayaa sheegay in Kooramka aanu u buuxsamin sababo la xiriira fasaxa iyo Xajka oo la aaday.

Goobjoog News