U bood dhigaalka

Warbixin: Xukuumadda Xasan Kheyre Xaq Uma Laha In Ay Xog Ka Qariso Shacabka Iyo Warbaahinta

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Ra’isul wasaare Xasan Khayre oo ka jawaabeysa jaha-wareerkii  iyo qaskii ku saabsanaa kala hadalkii mas’uuliyiinta dowladda ee arrintii Bariire ayaa soo saartay go’aan layaab leh oo ku saabsan xiriirka wasaaradaha iyo  warfaafinta, go’aankan  ayaa  lagu xakameynayaa  hellida xogta wasaaradaha iyada oo lagu xiraayo ogolaashiyo xafiiska ra’siul wasaaraha ah.

Haddii aad dhanka xukuumadda aad wax ka aragto,  In golaha wasiirrada iska warqabaan, la socdaan siyaasadda xukuumadda Khayre, isla markaana aanu wasiir kasta goonidiisa  u hadlin, waa arrin khuseysa shaqada golaha, waa arrin loo baahanaa in mar hore laga wada hadlo oo aad u fiican, waana arrin u taallo ra’isul wasaaraha iyo xukuumaddiisa oo ay sumcad ku heli karaan.

Haddiise aad tahay Saxafi xog raadis ah, isla markaana doonaya in shacabka ogaadaan xogaha, fasiraadna loo helo dhacda kasta oo dalka ka socota, go’aan kasta oo xukuumadda qaadaneyso, shaqada kala duwan ee wasaaradaha, waa in aad wal-washaa!…waayo, haddii wasiirka la cabsi geliyo, xog kuu diido ama uu kugu xiro ogolaashiyo uu ka raadinayo xafiiska ra’isul wasaaraha, waa arrin ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah iyo xaqa helidda warka iyo xogaha.

Cabsida jirta waxaa ay noqon kartaa in wasiirro ka mid ah xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Khayre oo mar-marsiyo ka dhiganaya go’aankan cusub ay si xun ula dhaqmaan warbaahinta Soomaaliya iyo midda caalamiga ah, isla marakaana ay diidaan, qariyaan ama ay daahiyaan macluumaad ama xog muhiim u ah in shacabka u baahan yahay, haddii ay arrintaasi dhacdo, waxaa uu dalka galayaa weji cusub oo keligii taliyenimo ah, waxaa uu dagaal ka dhex-bilaaban doonaa hey’adaha dowladda iyo warbaahinta xorta ah.

Khatarta ku jirta, Qoraalka uu soo saaray Ra’isul wasaare Ku-xigeeka waa:

1. In wasiirrada xuriyadda laga qaado, loola dhaqmo sidii dad aanan mas’uuliyad qaadi Karin, oo laga cabsi qabo, waxa ay ka hadlayaan iyo qaabka ay u hadlayaan, tani waxaa ay su’aal ka keeni kartaa xulshada, aqoonta iyo kalsoonida xukuumadda dhexdeeda ah.

2. In Idaacad, Telefishin iyo hey’ad walba oo warfaafineed markii ay xog u baahdaan loo sheego inay sugaan si ogolaashiyo looga helo xafiiska ra’siul wasaaraha, waa arrin keeni karta isku dhac iyo in wasiirka uu qariyo xog shacabka u baahnaa.

Hadaba, Dastuurka qabyo-qoraalka ah qodobkiisa 32aad, waxaa uu dammaanad-qaadayaa xaqa helidda macluumaadka, waxaana qodobkaasi uu u qoran yahay sidan:

Qodobka 32aad. Xaqa helidda macluumaadka

(1)       Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay Dawladdu hayso.

(2)       Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay.

(3)       Baarlamaanka Federaalku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xaqa macluumaad helidda.

Go’aanka xafiiska ra’siul wasaaraha ka soo baxay, waxaa kale uu ka hor-imaanayaa Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta ee qofka.

Qodobka 18aad ee Dastuurka. Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta

(1)       Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.

(2)       Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.

(3)       Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed. xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.

Dhinaca, Xeerka Saxaafadda oo dhowaan soo baxay qodobkiisa 3aad, faqradiisa 3.3 waxaa uu u qoran yahay in aane cidna faaf-reeb ku sameyn Karin warbaahinta.

3.3- Dhammaan warbaahinta gaarka ah ama tan Dawladda wararkooda faaf-reeb laguma sameyn karo, haddii ay shaqadooda u gudanayaan si waafaqsan shuruucda dalka ama aan ka hor-imaanayn sharciga. lagumana qasbi karo faafinta warar u daneynaya dhinac gaar ah.

Arrimahaas oo idil, waxaa ay ku tusinayaan awoodda qofka saxafiga u leeyahay in uu dowladda xog ka helo, weliba qaab hufan, isla markaana uu shacabka u gudbiyo.

Hadaba, Xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Khayre waa in ay dhowrtaa xuquuqda dastuuriga ah iyo xaquuqda kale ee ay warbaahinta ka helayaan sharciyada caalamiga, isla markaana laga fogaado wax walba oo isku dhac keeni kara.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News