U bood dhigaalka

Warbixin: Yaa Gar Leh, Yaase Gar Daran Wasaaradda Caafimaadka DF iyo Gobolka Banaadir?

Sheeko:Caafimaadka

Tan iyo khamiistii, waxaa socda dagaal afka oo ka dhaxeeya wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah iyo gobolka Banaadir kadib markii kuwa dambe ay soo saareen  buug caafimaad oo ay isticmaalayaan dadka ka dhoofa iyo kuwa ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraamih Mahad-alle oo arrinkan ka hadlay aya sheegay in baahida buuggana ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, qiimahana uu yahay $10, lagana qaadan karo goobaha tikityada laga bixiyo ama garoonka. Arrintan waxaa taageeray ganacsatada diyaaradaha iyo culimo, iyaga oo sheegay in soo-celintiisa ay ka dhigantahay soo-celinta dowladnimada.

Isla khamiistii, mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah oo aan dooneyn in magaciisa la xuso, lana hadlay Goobjoog News ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tilaabada gobolka Banaadir isaga oo intaa raaciyey iney tahay garab marid lagu sameeyey howlaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federalka ah, sharci-darro ah, halisna ku tahay nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

“Buuggaas wasaaradda caafimaadka kama warqabto, talaal aan shahaado dowladeed wadinin sidee loo hirgelinayaa, dadka yaa kontoroolaya, yaase baaraya, oo xaqiijinaya caafimaadkooda, shahaadana bixinaya, arrintan waa khatar, waana mid ka hor imaaneysa nidaamka caafimaadka dalka”. Ayuu intaasi raaciyey.

Haddaba, Sabtidii wasaaradda caafimaadka DF waxaa ay si rasmi ah u soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegeyso qodoobadan:

  1. Wasaaradu waxay diyaarisay shaqaalihii, agabkii iyo goobihii ay ka heli lahaayeen adeegyada caafimaakda ee musaafirku u baahanyahay
  2. Wasaaraddu waxay diyaarisay tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay musaafirka iyada oo la tix-raacayo xeerarka caalamiga ah ee caafimaadka isu gooshka ( IHR 2005 ),
  3. Wasaaraddu waxay adeeg caafimaad oo baaritaan ah u samayn doontaa xujayda sanadkaan nasiibka u yeeshay inay booqdaan baytka Alle, si loo hubiyo bad qabka xaajiga, isla markaana loola socdo xaaladda dadka qabi karo cudurrada daba dheerada sida (sokorta, dhiigkarka ),
  4. Wasaaraddu waxay xujayda siin doonta tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay xaajiga intuusan safrin ka hor iyadoo la tixraacayo shuruudaha ku xusan warqada Wasaaradda Caafimaadka Boqortooyada Sucuudigu la soo wadaagtay Wasaaradda Caafimaadka Federalka Soomaalya
  5. Wasaaraddu waxay siin doonta xujayda buug caafimaadka kadib marka la siiyo tallaalada asaasiga ah
  6. Iyada oo kala shaqaynayso Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxay Wasaaradda Caafimaadku hubin doontaa in xaajiga uu helo adeeg caafimaad inta lagu guda jiro xajka, iyada oo la hubin doono inay la socdaan xujayda xirfadlayaal caafimaad oo ka war-qaba caafimaadkooda

Saacado kadib, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bartiisa facebooga soo dhigay ”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”.

Maxaa La isku heystaa:

Wasaaradda caafimaadka iyo gobolka Banaadir waxaa la isku heystaa ciddii bug caafimaad siin laheyd ilaa 11,500 qof oo sanadkan xajinaya, oo midkiiba laga rabo $10. Dad badan oo arrinta la socdo waxaa ay ku doodayaan in lacagta ay tahay hafadka ugu weyn ee dagaalka labada dhinac

Caafimaadka la rabo: Hey’adda WHO waxaa ay soo jeedisay in dadka xajka aadaya laga talaalo cagaarshowga nooca A & B, Tiifowga, Jadeecada iyo cuduro kale.

Buugga caafimaadka waa muhiim, laakin waxaa ka muhiimsan in talaal sharci ah, oo qofka ku mari karo meel walbo uu helo, waxaana arrintaasi qaban kara hey’adaha dowladda, oo tababar iyo ogolaashiyo ka heysta hey’adaha caalamiga ah.

Khubaro caafimaadka oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay qabaan in talada caafimaadka dalka talaal iyo dawaba laga rabo iney kontoroosho wasaaradda caafimaadka, isla markaana aan looga maarmin iyadana ay muhiim tahay in la shaqeyso gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada.

Goobjoog News