U bood dhigaalka

Warbixin: Yaa Ka Mas’uul Ah Wasaqeynta Webi Shabeelle Iyo Cudurrada Dilaaga Ah?!

Sheeko:Dalka

Biyo la’aanta webiga Shabeelle waa dhibaato aan horay uga soo hadalanay, webigan waxaa si toos ah ugu tiirsan dadka iyo duunyada ku nool 3-da gobol ee Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, laakin dhibaatada ugu badan oo dad badani ku dhinteen, welina khatar ugu jiraan waa cudurrada ay ka mid yihiin shuban-biyoodka kuwaas oo dhasha marka uu webiga biyo keenno, sababtuna waxaan jirin mas’uuliyad wadareed oo ay bulshada deegaanka, dawlad gobolleedka iyo dowladda federaalka iska saaraan nadaafadda webiga!!

Baaritaan ay sameysay Goobjoog News, waxaan ku ogaannay in shacabka iyo maamullada ku dhaqan Hiiraan iyo labada Shabeelle aaney mas’uuliyad iska saarin nadaafadda webiga, qashinka laga keeno maqaayadaha, guryaha iyo bullaacadaha ayaa si toos ah loogu shubaa webiga Shabeelle min Hiiraan illaa Shabeellada hoose, arrinta la yaabka leh ah: ma jiraan shacab, maamul iyo dowlad arrinkan khatar u aragta ama diyaar u ah inay wax ka qabtaan!

Hiiraan, waa gobol uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle marka uu soo galo gudaha Soomaaliya, sawirro  uu Baladweyne ka soo diray weriyaha Goobjoog News Cabdirisaq Maxamed Cabdullaahi,  waxaa ay muujinayaan in dadka deegaanka ay qashin iyo wasaq badan ku shubaan webiga dhexdiisa iyaga oo aan ka walwal qabin cudurrada ka dhalan kara, waana dadka ugu horeeya ee u nugul cudurrada iyo dhibaatada ka dhalata nadaafad la’aanta.

Dhankaa iyo Shabeellada dhexe, sawirro aan ka helnay Weriyaha Goobjoog News ee gobolka Cusmaan Cabdulle Cusmaan kama duwana kuwii Hiiraan xagga wasaqeynta webiga Shabeelle, dadka gobolkaasi mas’uuliyad iskama saaraan nadaafadda webiga, arrintaasi oo mar walba keenta in dad badan oo deegaanka ah ay shuban-biyood ugu dhintaan.

Shabeellada hoose, waxaa Afgooye booqday weriyaha Goobjoog News Maxamed Cabdi Afgooye, isaga oo maamulka, hey’adaha caafimaadka iyo shacabka kala sheekeystay sababta webiga looga dhigay goob qashinka lagu keydiyo.

Cabdullaahi Xasan Cabdi oo ah guddoomiye ku-xigeenka  arrimaha bulshada ee Afgooye oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu yiri“ Qashinka inta aad guriga ka qaado, oo aad ku shubeyso webiga, waa adiga oo gurigaaga ka qaaday oo gurigaaga ku shubay, sababta waxaa ay tahay, webiga marka ay biyaha yimaadaan, wixii oo dhan waa isku qasmaayaan, waxaa ka dhalaneyso bakteeriyo, caafimaad darro ayaa halkaasi ka imaaneysa, cudurro ayaa ka dilaacaya, waxaan leeyahay bulshada reer Afgooye, wax badan arrinkaasi waa idiin kala hadalanay, inaad arrintaas joojisaan”.

Dr. Nuur Cumar Mayow, oo isna ah agaasimaha guud ee isbitaalka Afgooye oo arrinkan ka hadlay waxaa uu yiri “ maalmahan dambe, waxaa la caadeystay, qashinka magaalada oo dhan, haba ugu badnaado qolooyinka maqaayadaha in lagu shubo webiga, taasina waxaa ka dhalan karta cudur walba oo dadka naafeyn kara, waxa ugu horreeya oo ka iman doona waa shuban-biyoodka, kaas oo nafsadda banii’aadamka halis ku ah, dhacaan  markuu jirka ka dhameeyo sababa in arrintaas qofka u dhinto, dadweynaha waxaa uu xil ka saaran yahay nadaafadda webiga.”

Xiriir ay Goobjoog News la sameysay Xil. Pro Saalim Caliyow Ibrow oo ah wasiirka biyaha ayaan lagu guuleysan.

Goobjoog News