U bood dhigaalka

Warbixin: Ganacsade Cabdi Cali Faarax “Hal-door Qaran”

Sheeko:Qormooyin

Ganacsatada iyo Maalqabeenka imisa ayaa haboon in ay bixiyaan waa su’aal soo jireen ah, su’aal caalami ah, laga soo bilaabo Xiligii Rockefeller ilaa Bill Gates .

Reer galbeedka Maalqabeenkooda waxaa ay ku deeqaan 10%  hantidooda, tusaale ahaan Bill Gates: waxa uu badbaadiyay 6-milyan oo qof , isagoo tabarucaad  tallaal iyo  mid caafimaadba u fidayay dadkaas, Waxa uu ku tabarucay Illaa iyo Hadda lacag gaadhaysa 28-Bilyan oo Dollar.

Inta badan Maalqabeenadaas  waxa ay lacago ku bixiyaan Xarumaha Diinta, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Soomaaliya xilligan waxaa ka taagan imtixaan adag oo heysto qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool  dalka Yemen oo gaaraya Nus Milyan qof, Qaxootiga ayaa ku dhex jira dagaalka u dhaxeeyay kooxaha Yemen isaga soo horjeeda.

Goobjoog News oo ka damqaneysa dhibaatada dadkaas heysata waxaa ay April 24, 2015-kii bilowday barnaamij la magac baxay”Gurmad iyo Gargaar”, sidoo kale barnaamijyada Idaacadda waxaa lagu jiheeyay wacyigalinta iyo kicinta dadweynaha sidii loogu gurman lahaa wallaalaha Soomaaliyeed ku dhibaateysan Yemen.

Dadaaladaas waxaa ka dhashay in bulshada dhexdeeda ay kasoo baxaan guddi madax bannaan oo u istaagay in ay qeyb qaataan Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiya Soomaaliyeed ee Yemen.

Sadex maalin oo ay Goobjoog News qabatay barnaamijo yabooh ah oo ay hawada u furtay dhageystayaasha ay toos uga qeyb qaadanaayeen kaaliddooda ayaa waxaa lagu ururiyay lacago badan.

May 18, 2015 waxaa la ururiyay Lacagaha gaareysa: 45,000

May 23, 2015: iyana waxaa la ururiyay ku dhawaad  43,000

May 30, 2015 iyana waxaa la ururiyay lacag ku dhaw 13,000

Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ee yabooha ah, waxaa ka qeybgalay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada iyo magaalo madaxdaba, shacabka oo qiiro ka muuqato ayaa ku yaboohay intii ay bixin kareen.

Waxaa kaloo Barnaamijka ka qeyb galay Mas’uuliyiin sar sare, Ganacsato, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale oo magac ku leh bulshada dhexdeeda.

Waxaa xusid mudan Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ah Maamulaha Shirkada Jubba General Trading Compnay in uu noqday Hal-doorkii ugu mudnaa ee yaboohii ugu weynaa ka geystay Gurmadka Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen.

Ganacsadahan waxaa mar qura micno gaar u yeelay taakuleynta iyo garab istaaga, waxaa uu muujiyay saqaynimo xad dhaaf ah.

Ganacsade Cabdi Cali Faarax, waxaa uu Markab ugu deeqay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yemen isagoo diray markab lacag la’aan kusoo qaadaya Qaxootiga.

Cabdi Cali Faarax waxaa uu sidoo kale sheegay in Markabkiisa uu qaxootiga Soomaaliyeed u shaqeyn doono inta hal qof ku dambeeyo dalka Yemen.

Go’aankan Taariikhiga ah, Waxaa uu Ganacsade Cabdi Cali Faarax noqday ganacsade iyo shakhsi qabanaya shaqo aanay dowlad qaban.

Ganacsade Cabdi Cali Faarax, ma filayo in uu ku raadinayo magac, Mahadcelin iyo hanta kale, lakin waxaa ajar ugu filan inta dartii u badbaadi doonto.

Ganacsade Cabdi Cali Faarax, waxaa uu asturay ganacsatada Soomaaliyeed ee in muddo ah dadka isweydiinayeen kaalintooda lakin meesha kama saareyso in loo baahan yahay 100 Cabdi oo kale ah.

Dhibaatada Qaxootiga ku heysata Yemen, waxaa mid u baahan in loo midoobo, in badan ganacsatada waxaa lagu eedeeyay faa’ido raadis iyo Badeeca xumo lakin waa maalintii la baran lahaa.

Waa maalintii ganacsatada ay shacabka ku qancin lahayeen in ay ka damqanayaan, ka naxayaan dhibaatada heysta, waa maalintii ay bixi lahaayeen hantidooda iyo ilaahay wixii uu siiyay.

Ugu dambeyntii, Tilaabada Ganacsade Cabdi Cali Faarax waa mid taariikhi ah, waa mid Haldoornimo ah, waa mid geesinimo leh, waa mid ku dayasho mudan, Cabdi Cali Faarax waa Hal-door qaran!!

W/D:- Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,