U bood dhigaalka

Warbixinta Guddiga Baarista Habraaca Lagu Jaray Gunnada Xildhibaannada Ee Bisha Janaayo 2017

Sheeko:Baarlamaanka

Qoraalkan waa warbixinta guddiga baarista habraaca lagu jaray gunnada Xildhibaannada ee bisha Janaayo 2017-ka, 5 xubin oo golaha ka tirsan ayaa baaritaankan sameysay kadib markii Xildhibaannada ay dacwo ka keeneen lacago looga jaray abaaraha dalka ka jira

  1. GOGAl XAADH

Ka dib dood dheer oo galaha shacabku ka yeeshey lacagaha laga jaray gunnadii xubnaha baarlamaanka ee bishii koowaad Janaury 2017, Guddoonka Goluhu wuxuu si rasmi ah u magacaabay Guddi baadhitaan ku sameeya xaqiiqda iyo hab raaca arrinkaan loo maray.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood oo dhammaantood ka tirsan Golaha shacabka, waxay kala yihiin :

  1. Cabdullaahi Goodax Barre.
  2. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.
  3. Canab Xasan Cilmi .
  4. Xamza Saciid Xamza.
  5. Aadam Isak Ali.
  6. WAAJIBAADKA Guddiga

Waajibaadka Guddiga sida ku xusan wareegtada guddoomiyaha Golaha shacabka ee sumaddeedu tahay 0063/5/1/B-10/17, ee soo baxday 1-da April 2017,  wuxuu  ku koobanyahay labo qodob:

  1. Inuu soo baadho habraaca ama xeerka loo maray in la jaro qaybo ka mid ah gunno bileedka xildhibaannada Golaha shacabka ee bishii Janaayo 2017ka.
  2. Inuu warbixinta baaritaanka soo gaarsiiyo Guddoonka golaha shacabka muddo 7 cisho gudahood ah.
  3. HABRAACA BAARISTA:

Guddigu si uu guto waajibaadka la saaray wuxuu hawshiisa si rasmi ah u bilaabay 2Nd  April, 2017 isaga oo u maraya habraaca uu dejistay :

  1. Xog uruurin ku salaysan waxkasta oo dokumenti ah oo arrinka ku
  2. Waraysiyo uu la yeeshay guddigu mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulka maaliyadda baarlamaanka ku lug leh si toos ah amma si dadban .
  3. Talooyin iyo fikrado guud oo uu guddigu ku dhageystay xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta maamulka maaliyadda.
  4. Waxaa uu wareystay: Guddoomiyaha golaha shacabka, xisaabiyaha guud ee qaranka, agaasimaha maamulka iyo maaliyadda golaha shacabka, bangiga dhexe, xisaabiyaha golaha shacabka, waxaa uu sidoo kale warbixin ka dhageystay Hanti-dhowrka guud ee qaranka, Xildhibaanno golaha shacabka ah iyo shaqaale
  5. NUXURKA WARBIXINNADA IYO XAQIIQDA BAADHITAANKA

Baadhitaanka guddiga oo ku qotomay inay soo bandhigaan xaqiiqda lacagaha la jaray iyo habraaca ama xeerka loo cuskaday waxa uga soo baxay arrimahaan hoos ku faahfaahsan :

  1. Xaqiiqda Lacagta la jaray: lacagta la jaray Bisha koowaad way ka badantahay inta ay xildhibaannada Goluhu ku baraarugeen oo ahaa midda abaaraha loo gooyey hase ahaatee wadarta lacagta xildhibaannda laga gooyey bishii Janaayo 2017 waxay dhan tahay kun todobo boqol iyo todobaatan dollar $1770 sida ku xeeqan shaxdaan hoose:
  1. Sno. Nooca Lacagta la jaray Qaddarka lacagta dhimn Jannaayo Xaaladda Hadda
    1. Lacagta abaaraha $1000 maqan
    2. Lacag canshuur ah $240 maqan
    3. Mushaarka ilaalada xubnaha $400 Lasoo celiyey
    4. Lacagta Duugta $100 maqan
    5 Adeegga Bankiga Dhexe $30 maqan
    Wadarta lacagta la jaray Jannaayo 2017

    $1770

       
    Wadarta lacagta Xildhibaan kasta ka maqan     $1330
    Wadarta guud ee lacagta Golaha ka maqan     $365750

       

    HABRAACA IYO XEERKA LOO CUSKADAY LACAGTA LA JARAY:

Sida kor ku qeexan waxaa muuqda lacago laga goyn jiray xubnaha baarlamaanka sannadihii hore kuwaas oo soo bilawday xilliyo kala duwan .

Tusaale ahaan lacagta adeegga bangiga oo jirtay intii baarlamaanka sagaalaada jirayba: lacagta duugta oo baarlamaanka sagaalaad qaraar ku ansixiyay December 2013kii inay yeesheen kayd lacageed oo la siiyo agoonta marka uu xildhibaan geeriyoodo: lacag lugu sheegay canshuurta gunnada mas’uuliyiinta oo lagu jideeyay wareegto uu wasiirkii hore ee maaliyaddu dhaqan galiyey 1St April 2016 kii.

Hase ahaatee baarlamaanku wuxuu baraarugey markii lacag dhan $1000 iyadoo haba yaraatee wax laga weydiinin loo wareejiyey guddiga abaaraha bishii Janaayo 2017. Taasi oo sabab u ah magacaabidda guddigani iyo muhiimadda uu uxilsaaranyahay.

  1. GUNAANAD IYO FIIROOYIN GAAR AH

Baaritaankaan dheer ka dib wuxuu Guddigu warbixinta ku soo gunaanadayaa qodobada hoos ku xusan oo aas-aas u noqda qiimaynta xaqiiqda arrinkaan.

  1. In kastoo maamulka maaliyadda, xoghayaha iyo xisaabiyaha guudba dhammaantood cuskadeen wareegtada Golaha wasiirrada haddana waxaa muuqata inaysan kunka $1000 doolar ee abaaraha hubsan oo si fiican u akhrinin qeybta ka khuseysa baarlamaanka waayo,wareegtadu waxay si cad u tixgalinaysaa madaxbanaanida gunnada baarlamaanka,taasi oo tibaaxaysa in lacag jaridda xubnaha xubnaha xildhibaanndu tahay Tolo Soo Jeedin ee aysan amar ahayn sida hay’adaha kale ee fulinta,Taasi oo markii la weydiiyey ay kaga jawaabeen inaysan hore u arag.
  2. Wareegtada hore ee Golaha wasiirada waxaa lagu dhaqan geliyey qaraar baarlamaanku gaaray.
  3. Canshuurt gunnada baarlamaanka %8 sida ku cad wareegtada wasiirka canshuurtani waxay dhaqan gashey Bishii April 2016 kii xilli doorasho dalka isku diyaariyey,miisaaniyadda 2016kii  ay shaqeynaeyso saddex bilood iyoo oo uusan baarlamaanku ansixinGuddoonka iyo Guddiga maaliyadduna sida muuqata waxba ka ogeyn.
  4. Lacagta duugta ee boqolka doolar ah ee bilwalba laga jaro xisaabta xubnaha BFS,waxaa lagu jideeyey qaraar baarlamaankii sagaalaad si wadajir ah u gaadhay.
  5. TALO SOOJEEDINTA GUDDIGA
  6. a. in la xoojiyo nidaamka maamulka maaliyadda ee baarlamaanka .
  7. b. Guddiga waxa uu istusay in qaladka jira uu yahay hubin la’aan iyo deg-deg.
  8. Guddiga wuxuu arkaa in maamulka maaliyadda baarlamaanku gaar ahaan xoghayaha guud mudanyahay canaan af iyo qoraalba le.
  9. Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in sida ugu dhaqsiyahay badan loo dhiso guddiga adeegga baarlamaanka.
  10. in Golaha wasiirada, xisaabiyahay guud iyo hantidhowrkaba la isla meel dhigo madax banaanida miisaaniyadda baarlamaanka loona dejiyo habraac iyo nidaam la isla ogyahay.

 2 .TALOOYIN KHUSEEYA LACAGTA LA JARAY

  1. In go’aa laga gaaro canshuuraha laga jarayo gunnada baarlamaanka inay ku waajibeyso iyo in kale.
  2. In haddii uusan jirin qaraar burinaya lacagta duugta ee baarlamaankii sagaalaad jideeyay la sii wado.
  3. In qaabka loo maamulo duugta iyo cidda mudan in la siiyo lagu qeexo xeer nidaamiye u gaar ah

W/Q: Jaamac Cali Shidane

Goobjoog News