U bood dhigaalka

Wareega Koowaad Ee Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Lasoo Gabagabeeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa soo gaba gabowday wareega Koowaad ee doorashada gudoomiyaha Baarlamaannka Galmudug, iyadoo xildhibaanada ay dhammaan codkooda dhiibteen.

Mudanayaasha codeeyay ayaa tiradoodu ahayd 84 mudane, waxaana wareegan ku tartamay Seddax mudane oo kala ah:-

1- Cabdirisaaq Xuseen Maxamed oo helay 11 cod

2- Cabdullaahi Maalin Gaafow  oo helay 38 cod

3- Cali Gacal Casir oo helay 35 cod

Wareega Labaad ee doorashada ayaa goor dhaw bilaabanaysa, iyadoona wareegaan ay isugu soo hareen musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Maalin Gaafow iyo Cali Gacal Casir oo helay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News