U bood dhigaalka

Wareegga 1-aad Ee Doorashada Golaha Shacabka Oo Lasoo Gabagabeeyay (Natiijada)

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa lasoo gabagabeeyay wareegga 1-aad ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana ku tartamayey 10 musharrax.

Codeynta dorashadan waxaa ka qeybqaatay 261 mudane, iyadoo sanduuq lagu codeeyay.

Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee golaha shacabka C/weli Muudey ayaa natiijada shaaciyey, waxayna xildhibaannada sharaxan codadka u kala heleen sidan:

  • Xildhibaan Iimaan C/laahi oo helay 3 cod
  • Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo helay 3 cod
  • Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye oo helay 5 cod
  • Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow oo helay 7
  • Xildhibaan Xaai Cali Sheeh Nuur oo helay 16
  • Xildhibaan Shariif Maxamed C/lle oo helay 19 cod
  • Xildhibaan Cabdi Casiis Lafta Gareen oo helay 54 cod
  • Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo helay 69 cod
  • Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh oo helay 83 cod

Hadaba guddoomiye Muudey ayaa sheegay in wareegga Labaad usoo gudbeen Musharraxiinta ugu codka badan ee kala ah, Maxamed Mursal Sheekh, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaqro, Xildhibaan Cabdicasiis lafta Gareen iyo Shariif Maxamed C/lle, iyadoo daqiiqado kadib la bilaabi doono codeynta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News