U bood dhigaalka

Wareejintii Dekedda Berbera oo Saameyn Taban Ku Yeelatay Shaqaalihii Dekedda

Sheeko:Dalka

200 oo ka mid ahaa shaqaalihii dekedda Berbera ayaa loo sheegay inaaney ka sii shaqeyn doonin dekedda maadama aaney shirkadda DP World qaadi karin shaqalaha baaxadaa leh ee dekedda shaqeeya.

Maxamed Axmed Cabdi oo ka tirsanaa shaqaalaha dekedda Berbera ayaa Goobjoog u sheegay in 200 oo ka tirsan shaqaalahii dekedda ay shirkadda DP World ka ruqsaysay shaqada iydoo aaney jirin wax imtixaan ah iyo waxyaabo kale oo shaqaalaha lagu kala xulay, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Shirkaddii DP World dekeddii Berbera iyadoon la wareegin waxaa lasoo dhajiyay liiska shaqaalaha dekedda Berbera ka shaqeynaysa, waxay yiraahdeen dekedda Berbera intaas ayaa ka shaqeysa ma wadaqaadi karno, imtixaan nalagama qaadin, caafimaad nalaguma reebin, Liis ay iyadu wadataa ayuunbay iska soo dhajisatay, 200 oo shaqaale ahna waa lagaga tagay, cid alaaliyo ciddii aan la hadalnay amaba maamulkayagii waa na qancin waayeen”.

Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,  inuu arrintan soo farageliyo, maadama waxa meesha ka dhacayaa uu yahay mid dulmi ah, waxaanuu sheegay iney qeylo dhaan u diri doonaan xubnaha baarlamaan, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka.

5 September ayay ahayd, markii si rasmi ah heshii kama dambeys ah u kala saxiixday Somaliland iyo shirkadda Emaratka ee horumarinta dekedaha ee DP World heshiis malaayiin doolar ku baxayso oo la islahaa waxa uu keenaya shaqo abuur farabadan oo ay ka faa’idaan dhamaan dadka shaqo la’aanta ah ee gudaha maamulka.

Goobjoog News