U bood dhigaalka

Waresysi: Farmaajo iyo Doorashada 2016-ka

Sheeko:War

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi  Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog FM ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay Doorashada 2016-ka, Hub ka dhigista iyo Abaaraha.

Ugu horeyn, Farmaajo ayaa wax laga waydiiyay Doorashada 2016-ka ee lagu wado in shacabka codkooda ka dhiibtaan.

Farmaajo oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa sheegay in diyaarinta arinkan loo baahnaa inay bilaabato maalintii doorashada dhamaatay 2012-dii, Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in aheyd in dowladda laga doonayey inay u muuqato mid wax dhisaysa oo  kalsooni galisa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan si qof walba u aamino inuu noqon karo Madaxweyne, Ra’isul Wasaare ama Xildhibaan, isagoo dowladda ku dhaliilay in aanay arinkaas ka shaqeyn sidoo kale dowladda kama shaqeyn Doorasho, Axsaabta iyo Shuruucdoodii iyo Dastuurka, ayuu intaa raaciyay iyo in ay jiraan Khilaaf soo kala dhexgalay Baarlamaanka dhexdiisa, Qabiilada is khilaafsan iyo tuhun badan oo jira, isagoo iswaydiiyay sida ay u iman karto qof iyo codkii? Haddii ay Dowladdu gaarsiin waydo qof iyo codkii waxaa uu sheegay in ka dhigan tahay fashilka dowladeed.

Mar wax laga su’aalay arimaha maamulada dalka ka jira

Farmaajo ayaa dowladda ku dhaliilay inay iyadoo doorasho xaq ah dalka ku timid aanay aheyn in  dowlado shisheeye marqaati ka noqdaan maamul u sameynta dalka, arintan ayuu Farmaajo  ku sheegay  mid wax u dhimaysa qaranimada Soomaaliya, isagoo dowladda kula taliyay inay isdaba qabato oo kalsoonida shacabka kasbato oo aan mar walba loo baahan sadaxeeye.

Mar sidoo kale la su’aalay arimha Hub ka dhigista ayuu ku jawaabay.

Maxmad Cabdullahi Farmajo: “Hub ka dhigistu waa wax wanaagsan, dalkoo dhan in laga dhaqan galiyo ku haboon weeye, meel gaar ah aan laga bilaabin, ee hal mar noqoto siyaasad guud oo dalkoo dhan ku wajahan oo dadkoo dhan looga aruurinayo hubka qatarta ah, lakin waxaa ka horeeya is faham, qorshe dadku fahamsanyhiin oo laga dhaadhiciyo, kalsooni inay timaado, in laga gaarsiiyo qofkii inuu hubkii iska keeno, habab badan baa jira oo dunida laga isticmaalo, waxaa jira hubka waa laga qaataa dadka, in la raadiyo dhaqaalihii looga gadi lahaa meel kastoo laga helo, wax walba waa bilowga” ayuu yiri..

waxay aheyd bilwga in la fahamsiiyo dadka khatarta ay leedahay hubka ay heystaan, ujeedo iyo in dowladu diyaar u tahay inay dalkeeda difaacdo, dagaalada sokeeye inay meeshii ku jirin oo la joojiyo oo dadka walaalaha ah aysan qabiil ku dagaalin, marka qof heysan karo ma jirto, lakin hadii ujeedadu aheyd inay hub aruuriso habka hadda uu ku bilowday waxay keenaysaa dadku inay hubka qarsadaan, qofku ma fahamsana, waxaa uu u qaadanayaa in qofkaas si gaar ah loo raadsanaayo marka qofka hubkiisa waa qarsanaayaa, marka tan labaadna waxay abuuraysaa cadaawad oo dadku is yiraadaan dowladdu adigey si gaar ah kaaga aruurinaysaa hubka taasna waxay siin kartaa fursad qolada nabad diid ah inay ka faa’idaystaan oo soo kala dhexgalaan dowladda iyo shacabkeeda, howshaas runtii dowladda waa ka gaabisay dib u heshiisiin”.

Dhinaca kale mar la waydiiyay Siyaasadiisa iyo inuu ka fariistay Siyaasadda iyo in kale.

Farmaajo ayaa ku jawaabay  in aanu ka fariisan Siyaasadda balse dowladda uu siinayey waqti lagu arko waxqabadkeeda, isagoo intaa raaciyay inuu uga qeyb galayo siyaasadda sida wanaagsan ee umadda lagu badbaadi karo iyo mustaqbalka caruurta,  isagoo intaa ku daray in Siyaasadda tahay mid xal lagu raadiyo, xikmadna ku dhisan, laguma helo magac iyo dhaqaale ayuu intaa ku daray,  isagoo hadalkii kusoo afjaray in qofka Siyaasiga uu ka tago taariikh wanaagsan oo  wax ka badalidda nolosha dadka, shaqo abuuris iyo tababarro la sameyn karo iyo masaakiinta la dhaqaaleeyo.

Ugu dambeyntii waxaa la su’aalay Xaaladda Abaaraha dalka ka jira.

Farmaajo ayaa ku jawaabay in waddan colaad ka jirto  abaar,  dhimasho , Cudurro iyo Gaajo aanay ka istaageyn isagoo tusaale usoo qaatay K. Suudaan oo dagaal Sokeeye iyo Abaaro galay, Farmaajo ayaa ku taliay inay Siyaasadda la wanaajiyo , lagana shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo wada shaqeynta si looga adkaado dadka dhibka wada, waa siduu hadalka u dhigaye, isagoo ugu dambeytii ku taliyay in laga shaqeeyo biyo galinta, Xoolaha iyo Beeraha taasi kaliya in lagu yareyn karo abaaraha.