U bood dhigaalka

Wareysi Gaar Ah: Boris Jonhso Oo Goobjoog News Uga Warramay Kulanka Farmaajo, Abaaraha, Shirka London Iyo Bixitaanka AMISOM

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska Boris Jonhso ayaa arbacadii booqasho lama filaan ku yimid Soomaaliya, kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, mas’uuliyiin ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo Xildhibaannada sita Baasaboorka Ingiriiska ah ee baarlamaanka ku jira kadib, waxaa uu Boris la fariistay mid ka mid ah weriyeyaasha Goobjoog News, inaga oo weydiinay ugu horreyntii kulankii uu la qaatay madaxweynaha?

Boris: “Kulan aad u wacan ayaan la yeeshay madaxweyne farmaajo waxaana kawada doodnay  xiriirka ka dhexeeya Britain iyo Soomaaliya oo ah mid soo jireen ah , waxaana Soomaaliya u taageernaa sidii wadanku uu cagahiisa dib isigu soo taagi lahaa, taas oo aan sida wadajir ah ugu shaqeyneyno xilli ay jiraan caqabado dhanka ammaanka ah, waxaana ka shaqeyneynaa sidii faderaalku uu ugu shaqeyn la haayeen  iyo dhammaan beesha caalamka sidii  ay si wada jir ah ugu taageeri lahaayeen  sidii ay wax ugu qaban lahaayeen musuqmaasuqa , uguna shaqeyn lahaayeen dowlad wanaagga,   la dagaalanka Alshabab  oo dhammaan arrimahaas,.. si wax looga qabto loo midoobo, maxaa yeelay sida arrimahaas lagu xalin karo dhibaatooyinka dhanka dhaqaalaha  iyo sidoo kale abaarta .

 Goobjoog News: Xilli Xasaasi Ah Ayaa Lagu Jiraa Dalka Waxaa Ka Jira Abaaro Ba’an  Ingiriiska, waa maxay kaalintiisa?

Boris: “waxaan aad ugu faraxsanahay oo aan ku faanayaa in dalkeyga Britain uu Soomaliya ugu tabarucay lagacg dhan 110 Milyan oo geni,  taas oo wax looga qabanaya dhibbaatooyinka taagan waxaana lagu iibiyey horraantiiba cunno iyo agab caafimaaad oo aan qudheyda halkan u joogo in aan indhaheyga ku arko sidaa darteedna horay ayaanba u bilawnay howshan, waxaana rabna in wadamada kale ay iminka nagu soo biiraan, waxaan dareemeyna in xiligan uu ka wacan yhay abaartii 2011, maxaa yeelay xiligan jawaabta laga bixiyey abaarta Soomaliya, waa ay ka weyntahay tii hore , waana uu ka dag deg badanyahay gargaarku marka rajadeeyno waa ay wanaagsan tahay in kastoo xaaladdu ay qatar tahay oo aan arkeenno dad badan oo nafaqo daro la ildaran xaaladduna aad ay u adagtay, waxaan rabnaa in aan aragno wadamo kale oo arrinkan nagula soo biira.

Goobjoog News: Sidee Ula Shaqeyneysaan Madaxweynaha Cusub Maxamed Cabdullahi Farmaajo?

Boris: “Hagaag,  xiriir wanaagsan ayaan leenahay,  waxaana yeelanahay kulan aad u wacan waan soo wacay markii la doortay aniga oo u hambalyeenaya, waxa uu imaanaya  London shirka ka dhacaya ee Soomaliaya xaaladeeda looga hadlayo May  11-keeda,  waana ka hadli doonaa dhibaatooyinka Soomaliya, waxaan sidoo kale ka hadli doona fursadaha jira ha iloobin ay Uk ay aad ugu faaneyso in ay la joogaan Soomali farabadan , waa tiro badan oo aan u maleynayo in ay yihiin 300.000, waxaan aad u xasuustaa Mo farax maxaa yeelay waxaan ahaa duqii London waa in orad badan oo ah ninka ugu horeeya ee oradada waana isku fiicanahay oo waxaan wada hadalnay ciyaarihii olonbikada markii aan ahaa duqa London.

Goobjoog News: 1010 Milyan Sidee Loo Maamulayaa Lacagtaas?

Boris: “waxaan aaminsanahay 110 milyan ee bound in ay qeyb ahaan aadi doonaan heyaddaha gargaarka ee qaramada midoobay,  waxaana  indheydu arkayaan sida loo qeybinayo  mucaawinada aad bixineyno, waxaana dareem sanahay in dadkii loogu tala galay ay lacagtu aadi doontio, dhibka jira ayaa ah goobaha ugu daran ay abaartu saameysay Alshabaab ayaa inta badan jooga waana adagtahayb in meelahaas waxlagaartsiiyo balse shaqaalaha gargaarku shaqo fiican ayey sameenayaan.

Goobjoog News: Dhanka ammaanka?

Boris: “ciidamadeennu waxa ay halkan u joogaan caawin,   ciidamada Soomaaliya oo ay tababaraan, sidoo kale ay caawiyaan kuwa Amisom oo ah mid aad u muhiim ah arimaha ammankuna waa nambar one,  dalku ammaan haduu helo dadku waxa ay ku dhiiranayaan in ay maalgashi sameystaan, ganacsiga ayaa shaqeynaya dadkuna waxa ay helayaan kalsooni waxa ay iska celinayaan argagixisada waxa ay dib u bilaabayaan canacsiyadooda waana waxan aan rabno in aan aragno.

Goobjoog News: Ka waran shirka  London?

Boris: “lambar kowaad, waxaa in aan aragna heshiis cusub oo u dhexeeya dhammaan Soomaliaya oo lagu heshiinayo sida ay Soomaalidu ammaankeeda u maamulan karto, sideen u kontorooli karnaa ciidanka,  sidee Soomalidu isugu imaan kartaa, wadankoodana u maamulan karaan,  sidee ugu yeelan karaan Soomaliya marka  wadama deeqaha bixiya,   waxaan sidoo kale aan jeclaan lahaa in aan arko sida Soomaliya ay umaal gashan karaan shirkadaha a reergalbeedku .

Goobjoog News: Dhanka Amisom  Iyo Ka Bixitaankeeda Soomaaliya?

Boris: “Ma garan karo in ay imminka kaalintaa buuxin karaaan laakin waxaa muhiim ah in ay isdiyaariyaan waana caawineynaa inta aan awoodno.

Boris: Ugu Dambeyntii, farriintaada, ugu dambeysa?

Boris: “Haa waa muhiin, waxaa naga dhexeeya Soomaliaya xiiriir waqti dheer u laabanaya waxaana leenahay xiriir wanaagsan, waana la haan doona waxeynaa mahan uu xiriir fudud ee waa mid waaya soo jiray, waa inaga halkan u joogna  oo aad arkeysa in malaayin lacag ah aan ku bixineyno  djanka waxbarashada dhanka amaanka waxaana sii wadeynaa wada shaqeyntaa

Wareysiga Waxaa Qaaday: Tifaftiraha Goobjoog Fm, Axmedweli Xuseen Maxamud.

Goobjoog News,