U bood dhigaalka

Wareysi Gaar Ah: Safiirka Mareykanka Ee Soomaaliya Oo Goobjoog Uga Waramaya Xiriirka Labada Dal, Dhismaha Safaarad Cusub Iyo Aragtida Trump Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Michael Schwartz ayaa wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News, wareysigan oo ka dhacay Muqdisho, waxa aan safiirka kala hadalnay xiriirka labada dal, shaqada Safaaradda Mareykanka, taageerada Donald Trump laga filan karo iyo arrimo kale.

Wareysigan oo ka kooban 3 qeyb oo kala ah:  Xiriirka labada dal, Arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha waxaa qaaday Weriye Axmed Weli Xuseen Maxamud, waxaana tarjumay Bashiir Maxamud Weheliye.

Qeybta 1aad: Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka:

Qeybtan hore ee xiriirka, waxaa uu Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Michael Schwartz si fiican u faah-faahin doonaa halka uu taagan yahay xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka, shaqada safaaradda iyo dhismo cusub oo ay yeelan doonto, xiriirka uu la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xukuumadda iyo bulshada iyo taageerada laga filan karo Donald Trump.

Goobjoog News: Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ka waran?

Safiirka Mareykanka: Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka waa mid aad u wanaagsan, waxaan ahaa safiir 10 bilood, waxaana ahay safiirkii ugu horreeyey ee dowladda Mareykanku u soo magacawdo Soomaaliya muddo 25 sano kadib, waana calaamad muujineysa sida Mareykanku u daneynayo una taageerayo Soomaaliya, waxaan xiriir aad u wanaagsan la leeyahay madaxweyne Farmaajo, Ra’iisulwasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada iyo madaxweyne gobolleedyada, ganacsadata, bulshada rayidka waxaana isleeyahay in dadka iyo dowladda Soomaaliyaba ay ku faraxsan yihiin xiriirka ay la leeyihiin dowladda Mareykanka iyo taageerada ay ka helaan anaguna waan ku faraxsanahay xiriirka iyo taageerada aan la leenahay Soomaaliya.

Goobjoog News: Waxaa La aaminsanyhay in safaaradda Mareykanka ee Soomaliya ay ku shaqeyso dalalka Soomaliya dariska la ah?

Safiirka Mareykanka: Hadda, waxaa uu wareysigan ka dhacayaa Muqdisho, waxaana si joogto ah shaqaalaheenu uga hawlgalaan Muqdisho maalin kasta, waxaana socda qorshe aan ku sameyneyno dhisme weyn  waxaana jiri doona sanadkan inaan shaqaale u qoondeyn doonno Muqdisho marka si toos ah ayaan Muqdisho u joognaa sidoo kale dabayaaqada sanadkan waxaan ka dhiseynaa Muqdisho safaarad cusub waa jirtaa in dad noo joogaan Kenya dad sidoo kale halkaan noo jooga marka dhinac kasta waa joognaa laakiin bil kasta in badan oo naga mid ah ayaa Soomaaliya yimaada.

Goobjoog News: Mareykanka waxaa Hoggaaminya Madaxweyne Trump, Bal Trump Soomaaliya maxuu ka aaminsanyhaay waji noocee ah ayuuna kula dhaqmayaa?

Safiirka Mareykanka: Madaxweyne Donald Trump waa taageeray Soomaaliya sidii wax loola qaban lahaa, waana tillaabo xooggan oo miisaaman taasoo lagu caawinayo dowladda iyo dadka Soomaaliya sidii ay horey ugu sii socon lahaayeen waxaana ka shaqeyneynaa meelo badan ay ka mid tahay dhinaca bini’aadannimada, maxaa yeelay waxaa ka jirta Soomaaliya abaar aad u daran waxaana bixineynaa boqollaal milyan oo dollar oo isugu jirta lacag kaash ah iyo raashin si wax looga qabto caafimaadka dadka lana gaarsiiyo raashin inay helaan meelo ay ku hoydaan iyo inay awood u helaan inay raashin iibsadaan, dhinaca ammaanka waxaan gacan ka geysanay tababarka qeybo ka mid ah boliiska, qeybta dambi barista koox isku xiran oo baaritaan sameysa, waxaan kala shaqeyneynaa ciidamada qaranka  Soomaaliya tabarrada waxaa sidoo kale jira barnaamijyo aan gacan uga geysaneyno ganacsiyada gaarka loo leeyahay inagoo abuureyna shaqooyin iyo maalgelin waxaana rajeyneynaa inaan wax ka qabano meelo kale oo badan oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada.

Goobjoog News: Siduu u ekeen doonaa xiriirka Somaaliya iyo Mareykanka Afarta sanno ee soo cocota?

Safiirka Mareykanka: Sida aad ogtahay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Trump waxay qabteen xilka madaxtinnimo ee afarta sano ah  isku mar, marka waxaa jirta waqti taariikhi ah oo labda dowladoodba oo ay ka wada shaqeynayaan ujeedo isku mid ah oo ka turjumeysa jiritaankooda marka labadoodaba waxaa horyaalla afar sano oo ay tahay inay wax badan ku guuleystaan sidaas daraadeed waxaan isleeyahay in madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisaba ay aas-aas adag u noqon doonaan Soomaaliya taasoo ay guul ku gaari karaan inta lagu guda jiro afarta sano, waana arrin u baahan waqti Soomaaliya waxay xaalad adag ku jirtay in ka badan 25 sano mana aha arrin wax looga qaban karo 2 bilood , 4 bilood ama 8 bilood waxay qaadaneysaa sanado,  waxayna u baahan tahay iskaashi iyo taageero laga helo dhammaan dadka Soomaaliyeed, laakiin arrimaha la xiriira joojinta dagaalka Alshabaab lagula jiro in la helo ciidamo hufan oo boliis iyo xoogga isugu jira dhameystirka tastuurka , meelmarinta sharciga iyo nidaamkii lagu gaari lahaa qof iyo cod sanadka 2021 waa mid u baahan in loo helo daqli, dowladdu lacag la’aan waa shaqeyn kartaa waa u sameyn kartaa dadka adeegyada ay u baahan yihiin iyo ammaanka waxay u baahan yihiin oo keliya sharci iyo hay’adihii aruurin lahaa daqliga si hufan si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed iyadoo lala kaashanayo wasiirka maaliyadda, waana yaqaan baahiyaha la doonayo in wax laga qabto mas’uuliyad ayaana ka saran u shaqeynta dadka Soomaaliyeed marka haddiiba ay lacag aruurin karaan waa qaban karaan dhammaan waxa dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin marka waa ku kalsoonahay laakiin wadadii lagu gaari lahaa ayaa dheer.

Qeybta 2aad  Ee Wareysiga Safiirka Mareykanka Oo Ka Hadleysa Ammaanka, Waa Qeyb Xiiso badan, La soco Goordhaw

Goobjoog News