U bood dhigaalka

Wareysi: Guddoomiye Boqorre Oo Ka Hadlay Ajendaha Kulan Maalinta Berri Ah Leeyihiin Xildhibaannada Aqalka Hoose

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha KMG ee aqalka hoose ee baarlamaanka Federaalka Cismaan Cilmi Boqorre oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa ka warbixiyey ajendaha kulankooda 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad, kaas oo maalinta berri ah ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Boqore ayaa sheegay in Ajendaha maalinta berri ah yahay dhismihii guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka, iyo barnaamijka guud ee arrimahan ku wajihi lahaayeen.

Xildhibaannada ayuu sheegay in la horgeyn doono, islamarkaana ay filayaan iney ku ansixiyaan si loo guda galo howlaha doorashooyinka.

Sidoo kale guddoomiye Boqorre ayaa tilmaamay in waxyaabaha laga hadli doono ay kamid tahay lacagta ay madasha kusoo rogtey musharraxiinta, taas oo xildhibaannada laga doonayo in go’aan ay ka gaaraan.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga

Goobjoog News