U bood dhigaalka

Wareysi: Kenya oo Sheegtay In Kiiska Badda Ay Wada Hadal Kula Jiraan Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Xoghayaha Joogtada Ah Ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya. Amb.Macharia oo wareysi siiyey Citizen TV ayaa ka hadlay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Halkan Ka Akhriso:

Waxaa jira muran dhuleed u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ah halka xuduuddeennu ay tahay ee dhinaca Badweynta India?

Xaqiiqdii muran badeed waa nagala dhaxeeyaa Soomaaliya laakiin waxaa gadaal ka riixaya hoggaanka Soomaaliya oo ku guul-darreystay waddooyin aad aas-aasi u ah oo ay ahayd inay nala fahmaan waxaa aan dooneyno.

Soomaaliya waa dal aan aad u jecelnahay, Kenya waxay ku maalgelisay dhiig badan iyo hanti Soomaaliya, Dhammaan qoysaskii dadkooda ku waayey Soomaaliya oo Kenyanka ah waan u tacsiyeyneynaa laakiin dadka Soomaaliyeed nagama soo-horjeedaan, caqabadda aan wajaheynno waxay nooga imaaneysaa fasiraadda maamulku u sameeyey muranka xuduudda Sidaa-darteed marka aad la macaamileyso arrin nuucaas oo kale ah waa inaad uga wada hadashaan si go’aan qaadasho leh waana inaad ka wada qeyb noqotaan.

Aan ku xusuusiyo in aan arrintaan xalkeeda ku jirnay 2014 illaa 2015 ka hor intii aysan markiiba na geyn Hague waxaan weyddiinay sababta keeneysa inay nala aadaan Hague, Hague waa Maxkamad miciinsiga ugu dambeeya leh aan marka hore ka faa’iideysanno fursadaha na horyaal si aan uga wada xaajoonno arrintaan sidii deris yeeli lahaa, ha ila tegin Maxkamad annagoo wali ka wadahadleyna muranka aad fahansan tahay inuu jiro taasoo aan ognahay inuusan jirin maxaayeelay waxaa jira Isfahan ah sida xuduudaheennu ay yihiin ee badda bariga xeebaha Africa marka haddii ay tahay Tanzania, Mozambique dhammaanteen waan ognahay waana isku raacsanahay waana ka wadahadalnaa waxyaabahaas sidii dad walaalo ah.

Nasiib-darro Maxkamadda ayaan tagnay laakiin maaddaama aan nahay dal aaminsan sharciga waxaan go’aansannay inaan ku raacno Maxkamadda inkastoo aynaan ku waafaqsaneyn. Inta aysan Maxkamaddu sinnaba ugu dhaqmeyn nidaam khatar nagu ah waxaana billawday calaamado arrintaas muujinaya waana sababta keentay inaan halkaas tagno kuna adkeysanno inaan ka fileynno inaan u wada hadalno si ilbaxnimo leh oo raaceynno sharciga caalamiga ah.

Intaas waxaa dheer inaan wali isku-deyeynno inaan ku dhiirrigelinno saaxiibbadeenna Soomaaliya ee maamulka ku jira inaan u baahan-nahay inaan wadahalno, inaan helno dariiq aan ku xalinno arrintaan waxaana isleeyahay inaan guul ka gaari doonno sida ugu dhaqsiyaha badan si saaxiibtinnimo leh maxaayeelay marka aynaan dhibaato na dhex oollin dadka Soomaaliyeed caqabadaha naga haysta waa maamulka maanta jira Soomaaliya.

Laakiin Soomaaliya ma dooneyso in arrinta wadahadal lagu dhammeeyo oo waxay leeyihiin waxaan ka war sugeynnaa go’aanka Maxkamadda?

Waxaan isleeyahay waa soo dabcayaan marka aan si furan kuula hadlo waxaan ula jeedaa waan wadahadleynaa, dhawaan xoghayaheenna maamulka ayaa Soomaaliya tegay si uu wadahadallo ula yeesho wuxuuna qeyb ka ahaa dad lagu casuumay shirkii horumarinta oo ka caawinaya Soomaaliya horumarka Kenyana qeyb ayey ka tahay si fiican ayaa loo qaabbilay, waxaana la yeelannay wadahadallo dhiggeenna markii aan joognay Hague waqti aan sidaas u sii fogeyn innagoo ka wadahadleynay dib u dhigista dacwadda taasoo si kastaba la baajiyey illaa bisha June waana sidii aan dooneynay marka waan helnay sidii aan dooneynay waxaana isleeyahay dadku waxay soo ogaanayaan in sida kaliya ee aan ku gaari karno halka aan beegsaneynno inay tahay wadahadal walaalnimo oo dhexmara labada qaran. Sidii aan sheegayna waa mid aqliga ka fog in loo qaato in dhibaato naga dhaxeyso annaga iyo Soomaaliya dad ahaan maxaayeelay waxyaabo badan ayaa naga dhaxeeya ganacsiga baaxadda leh iyo iskaashiga halkaas ayuuna noo sii ahaan doonaa.

Ma u hogaansameysaan go’aan kasta oo kasoo baxa Maxkamadda?

Ugu horreeyn, xukunku ma dhacayo bisha Juun dacwadda ayaa billaabaneysa Juun mana ogin waqtiga ay qaadaneyso dacwadda waana mid qaadaneysa muddo waxayna xaqiiqdii ku xiran tahay sida ay ula yimaadaan go’aan waxaana markaas ka fikiri doonnaa natiijo kasta oo kasoo baxda, annaga go’aan ayaan ka qaadaneynaa, waa go’aan aan u madax-bannaan nahay sida aan u qaadanno go’aanka maxkamadda marka waqtigaas la gaaro taasoo ay naga xigaan illaa laba sano haddiiba aysan sannado ahayn markaas keddib ayaan go’aan qaadaneynaa.

Sidee ku tilmaami lahayd xiriirka ay Kenya hadda la leedahay Soomaaliya?

Waxaan dhihi lahaa xoogaa waa wanaagsan yahay laakiin inta hoggaamiyaasheennu ay wadahadlayaan, inta aan awoodno inaan isu soconno, inta dadkeennu wada-ganacsanayo maxay tahay xiriirka ka wanaagsan oo aan yeelan lahayn waxaan ula jeedaa waa wax ay tahay inaan ka wada shaqeynno waxaana isleeyahay sidii aan iriba dhibaatadu ma aha dadka ee waa maamulka.

Goobjoog News

W/Q: Bashiir Maxamuud