U bood dhigaalka

Wareysi: Qunsulka Masar Oo Goobjoog Uga Waramay Waxbarashada, Deeqaha, Maalgeshiga Masar Iyo Taageerada Amni

Sheeko:Dalka

Goobjoog News ayaa wareysi gaar ah la yeelatay qunsulka Masar ee Soomaaliya Tamer Safwat El-Mahdy, qunsulka waxaa uu ka hadlay xiriirka labada dal, dugsiyada ay ka furayaan Soomaaliya, deeqaha waxbarasho, heshiisyada gacansi, taageerada amni.

Mr. Tamer waxaa kaloo aan wax ka weydiiney istaraatiijiyadda Masar ee Geeska Afrika, xiriirka Qaahira iyo Adis Ababa, Biyo Xireenka Itoobiya, waxaa kaloo su’aal adag aan ka weydiiney in dhaq-dhaaqan Masar ee cusub ay ka maseerayaan Turkiga ama in uu yahay caadis ay saarayaan Itoobiya.

Hadaba halkan ka akhriso Wareysiga:

Goobjoog News: Ka waran Xiriirka Xillgan Ee Soomaaliya iyo Masar?

Qunsulka: Xiriirka Soomaaliya iyo Masar, waxaa xiriir taariikhi ah, xiriirkeena waa mid hore oo qotto dheer, waxaa uu xiriirkeena jiray ka hor gumeystihii, waxaa xuriyadda Soomaaliya u geeriyootay Jamaaludiin Salaax isagoo kaalin ku lahaa xuriyadda Soomaaliya.

Xilligii madaxweyne Jamaal Cabdinasir, waxaa Soomaaliya laga taageeri jiray meel badan, waxaa la soo diray diplomaasiyiin, Azhar, dalka oo dhan ayaa wax badan ka qabaney, muddo dheer ayaa Soomaaliya joognay, laakin nasiib darro, dagaalladii sokeeye markii ay dhaceen oo diplomaasiyiinta ay Qaahira ku laabteen, hadda dib ayaan u soo laabaney, waxaan rajeynayaa in aan dib u bilowno taageerada shacabka Soomaaliyeed oo ah shacab aan walaalo nahay.

Hadda,labada dhinac waxaa ay kala saxiixdeen heshiis ganacsi oo labo guddi ka kooban, waxaa lagu heshiiyay in la is dhaafsado ergo, waxaa bishii August lagu qabtay Hotel Jazeera shir dhexmaray ganacsatada Soomaaliyeed iyo Masar, waxaa la kala saxiixday heshiisyo ganacsi oo u dhaxeeya ganacsato Soomaaliyeed iyo Masaari ah.

Heshiisyada waxaa ka mid ahaa in khubaro ka socda wasaaradda korontada Masar ay daraasad ka sameyn doonaan in Muqdisho laga hirgeliyo goob korontada laga dhaliyo, waaxda beeraha ayaan sidoo kale ka hirgelin doonta mashaariic ceel qodis ah meelaha ay abaarta ka jirto, si Soomaaliya looga saacido dhanka beeraha, waxaa intaa dheer booqashooyin uu wasiirka ganacsiga Soomaaliya ku tagay Qaahira isagoo Masar la galay heshiisyo.

Borotokoollada la kala saxiixday waxaa ka mid ah dhanka Xoolaha, Malayga iyo Beeraha taas oo la kala saxiixday marka uu wasiirka ganacsiga booqasho ku tagay Qaahira bishii May 2016-kii, waxaan bilownay in xoolaha aanu ka iibsano Puntland.

Goobjoog News:  waa maxay Labadan dusgi ee Muqdisho ka hirgelineysaan?

Qunsulka: Waxaan ka shaqlo bilaabeynaa Labo madraso oo diyaarsan kuwaas oo kala ah 15 May iyo Iskuulka Xasan Barsane, waxaa kaloo jirta in barakacayaal ku jiraan Iskuulka Jamaal Cabdinasir, waxaan sugeynaa inta ay ka baxayaan, si loo dayartiro.

Iskuulladan 2-bada ah, waxaan ka bilaabi doonaa labo fasal oo dugsiyada hoose iyo dhexe ah, kadib waxaan bilaabi doonaan dugsi sare, dhammaan gobollada ayaan ku faafi doonaa, waxaan maamul doona wasaaradda waxbarasho.

Goobjoog News: Imisa deeqo oo waxbarasho ayaad siisaan Soomaaliya?

Qunul-ka: xilgan la joogo deeqaha waxbarasho kor ayaa loo qaadey, waxaa ay gaarayaan ilaa 200 oo ardey sanad walbo, waxaa loo kala qeybiyay: 110 waxaa gacanta ku heyso wasaaradda waxbashada iyo tacliinta, 50 ardey waxaa la siiyaa safaaradda Soomaalida ee Qaahira halka 40 ardey deeqdooda la siiyo safaaradda Masar ee Qaahira, si aan deeqahaas ugu qeybino si cadaalad ah.

Goobjoog News: Halkee Ka Baxday Kaalinta Masar Dagaalladii Sokeeye?

Qunsulka:  Mudadii dagaallada sokeeye, waxaan Soomaaliya ka taageeri jirtay dhanka Jaamacadda carabta, shir dib u heshiisiin ayaa Qaahira lagu qabtay, waxaa kaloo aan Carabta ku gancinay in ay sameeyaan sanduuqa dib u dhiska Soomaaliya, Soomaaliya waxaan ku gacansiiney in ay gasho COMESA, waxaa kaloo aan dadaal u jirnaa in golaha ammaanka aan ku qancino in Soomaaliya laga qaado cuna-qateynta hubka.

Goobjoog News: Waxaa Maxay Isataraajiyadda Masar ee Geeska Afrika?

Qunsulka: waa istaraaji weyn waayo gobolkan waa mid muhiim u ah Masar, waa marinka ay Masar ku nooshahay, geeska Afika, waa dalal Istaraatiiji ah, waa masaafo isku mid ah u jirnaa dalalka oo dhan, waxaa kaloo aad ku dartaa dalalka bariga Afrika.

Goobjoog News: Ka waran Xiriirka Qaahira iyo Adis Ababa?

Qunulka:  Xiriirka meel fiican ayey mareysaa, madaxweynaha waxaa uu booqday Adis, waxaa ka hor hadlay baarlamaanka isagoo amaanay xiriirka labada dal, isagoo sheegay in Itoobiya aan ka taageeri doono dhinac walbo, taasi ayaana dhacday oo waxaa jira maalgeshi badan oo aan ku leenahay gudaha Itoobiya, waxaa jira xiriir ganacsi oo naga dhaxeeya, waa dalka ugu badan gobolka ee aan taageerno.

Biyo Xireenka Nahda: arrinkaas, waad ogtahay 3 dal ayaa ku shaqo leh oo kala ah Masar, Suudaan iyo Itoobiya, Xisadda biyaha ku saabsan waxaa xadidi doono shirkado arrinkaas loo xirsaaray oo sheegi doona dhibaatada ka dhalan karta, wixii shirkadahaas ay ku taliyaan waxaa ka heshiin doona dalalkaas

Goobjoog News: Taageerada aad Soomaaliya Siineysaan Ma Adis Ababa Ayaad ku cadaadineysaa arrimaha biyaha:

Qusulka: Maya, innaga weligeen ayaan taageeri jirnay Soomaaliya, haddii taageerada aan hadda bilaabi laheyn waa arrin la isweydiin karo laakin jiilasha idiinka weyn ayaan idiin sheegi kara in Masar dalka ay joogi jirtay oo ay taageeri jirtay dhanka waxbarashada, fanka iyo meelo badan.

Goobjoog News: Turkiga Maka Maseeteen:

Qunsulka: Turkiga waxaa ay yimaadeen 2013-kii, xitaa shirka dib u dhiska Soomaaliya Masar iyo carabta waa ka qeyb galeen,waa arrin fiican, Soomaaliya waxaa ay u baahan tahay taageerada Carabta iyo dalalka Islaamka.

Goobjoog News: Mala dhihi karaa, Waad soo dib dhacdeen?

Qunsulka: Ma soo dib dhicin, Isbitaal ayaan ku leenahay, waxaan u soo dib dhacnay, inaga marka aan Soomaaliya taageerneyso waa bilash oo lacag kama rabno, laakin dowladaha kale waa dhaqaale raadis.

Xiriirkeena ma cusbo ee waxaa uu jiray ilaa Xaaji Shabshuud oo waqti hore ayuu soo bilowday, xiriirka nagal dhaxeeyo waa mid istaraatiiji ah, waa mid xoog badan, taageradeena waa mid toos ah, si la mid ah sida aan u taageerno dalalka bariga Afrika, Soomaaliya keliya ma taageerno oo dalalka kale kama tagin, waayo sida aan kuu sheegay gobolkan waa gobol istaraatiiji ah, waxaa kaloo dhiirgelineynaa cid walba oo Soomaaliya taagereyso.

Goobjoog News: Ma jiraa Iskaashi Soomaaliya iyo Masar Dhanka Amniga ah?

Qunsulka:  Tababar ciidan ayaa sameysaa, ardey waxaa jirta ka qalin jabisay kuliyada  military, koox kale ayaa ka soo baxday Akaadimiyadda Booliiska Masar, waxaan ku taageernaa dhar iyo qalab-ka militariga, waxaan kaloo taageernaa Booliiska Soomaaliya, mar dhaw waxaan Muqdisho keenay gaadiid military oo lagu wareejiyay ciidanka militariga, waxaan tababar ka siinaa la dagaalanka argigixisada, hey’adaha amniga sidii loo tayeyn lahaa ayaa ka shaqeynaa, waxaan rajeynaa in xoggii dib u soo laabto si ay gacanta ugu dhigaan amniga iyo kala dambeynta dalka.

Xiriirka: Xiriirkeena waa mid taariikhi ah, Carab iyo islaamnimo ayaa naga dhaxeyso, halkan marka aan joogno waxaan la joognaa ehelkeena, adinkana marka aan Qaahira tagtaan sidoo kale, waxaan rabnaa in macalimiinta aa keenay in ay wax ka qabtaan waxbarashada oo qabyaaladda la tirtiro, oo dalka uu ka hor maro sidii uu ahaa xiligaa madaxweyne Siyaad Barre, waxaan kheyr u rajeynaa Soomaaliya.

Goobjoog News