U bood dhigaalka

Wareysi: Yuusuf Jimcaale Oo Sheegay In Bedalka Badan Ee Guddoomiyeyaasha G/banaadir Caqabad Ku Noqonayo Dowladnimada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Goobjoog ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelatay, guddoomiyahii hore ee Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Goobjoog News: Jagadii waqti dhow ayaad ka tagtay, Labo guddoomiye ayaa kaa dambeysa side baad u aragtaa arrintani?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: Marka loo fiiriyo dalkeenna daruufta uu ku noolyahay iyo dhibaatooyinka lasoo maray waxay ku tusineysaa micnaha hay’ado awood leh haday jiri lahaayeen madhici laheyn is badalladaan tirada badan, hadda markaan soo qaadanno dalka Turkiga magaalada Istanbul 13 sano ayuu joogay Maayarka, markii dambana isaga ayaa iska casilay cidna kama qaadin, annagana waxaa laga yaabaa 13 sano iska dhaafee 10 waxaa laga yaabaa inaan soo marnay 5 Maayar.

Taas waxay ku tusaysaa salka aysan dhigan dowladnimadeenna iyo daruufaha uu dalkeenna ku jiro ayaa keenaya iyo biseyl siyaasadeed la’aan oo weli ay ka dhex jirto siyaasiyiinta dhexdooda kuwa xilka loo dhiibay hanoqoto ama kuwa u dhiibay hanoqoto culeysyo badan oo nuucyadaas ah ayaa keenaya iyo iyadoo marka hore aan laga fiirsan cidda wax loo dhiibayo meel lagu soo tijaabiyo hadey jiri laheyd oo qofka la soo ogaan lahaa haddii la soo tijaabiyo waxaa la dhihi lahaa hebel waa lasoo tijaabiyey shaqadaan waa uu ka bixi karaa waa uuna mudanyahay.

Goobjoog News: Waxaa aysan dad badan aad uga warqabin sababaha rasmi ahaan ka dambeeya in la bedalo Maayarada magaalada Soomara, shalay markii aad ka hadleysay munaasabadda soo dhaweynta guddoomiyaha cusub waxaad sheegtay adoo fadhiya xafiiskaaga lix saac laguu sheegay in xilka lagaa qaaday sabab aad ku qanacdo markaa malaguu sheegay?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: Sabab aan ku qanco waxaan ogaan lahaa markii la iweydiiyo oo intaan wax ka jawaabo la iyiraahdo maxaa qabyo kuu ah, maxaad heysaa, qorshahaaga waa side, xaggee u socotaa, maxaa qabatay, maxaad rabtaa inaad qabato, ayey imaan laheyd markii la iga qaado sababtaas iyo sababtaas oo aad ka gaabisay darteed ayaa wax lagaaga qaaday, balse marba iyada oo aan la iweydiin aan ka warheylay digreetadii aan ogaaday ma ogaan karo sababta kalifeysa in xilka la iga qaado,laakiin waxaan is leeyahy kolba waxaa laga ayaabaa nidaamkii markaas yimid ayaa waxaa uu u arkay in aana la jaan qaadi Karin markaas ayaa lagayaabaa cid kale oo la jaan qaadi karto aya u dhiibeen ayaan is leeyahay ceebna maahan waa waxyaabo inta badan iska dhaca.

Goobjoog News: Waxaan aragnaa dad badan oo wax-qabadkaaga aad u amaanaya intii aad joogtay marka aan sidaas fiirinno maku qanacsaneyd adiga makaa dhaadhacsaneyd in ay sax tahay in xilka lagaa qaado?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: Maya maxaa yeelay habeenkii xafladda xil wareejinta aan ka hadlayey oo ra’iisulwasaaraha uu joogay ayaan waxaa iri Maryam Qaasim ayaa waxaa laga qaaday xilkii wasiirnimada iyada oo bilowday Iskuulaadka dib loo bilaabo in ardadii wax la baro in macalimiin ay howlgeliso Aada dugsiyada isaga oo barnaamijkii qabyo umarayo laga qaaday, runtii Maryam Qaasim markii ay wareysiga bixineysay waa ay ooysay waxaan ogahay xil jaceyl inaysan u ooyin balse adeeggii ay umadda u heysay oo ka kala go’ay ayaan is leeyahay waa aay u ooysay.

Marka waxaan dhahay haddii aana rag ahaan laheyn oo kaliyo adeeg aana muujineyn waan ooyi lahaa caawa oo kale maxaa yeelay meeshii ay wax ii marayeen oo ii ballansanaa iyo waxa hortayda ka sii muuqday iyo waxa aan ku taamayay in dalkeyga iyo dadkeyga aan u qabto ayaa iga hor muuqday.

Goobjoog News: Dhibaato intee la eg ayay leedahay is bad badalkaan Maayarada iyaga oo aan ka gun gaarin qorshayaash u yaallo?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: is badalka cid kasta ayaa og shacabka Soomaaliyeed kan ugu weyn iyo kan ugu yar wuu dareemayaa is badalladaan faraha badan aduunka marka uu maanta qaado nidaamka ah Afar sano, qofka Afar sano ah ha loogu daro ama Shan sano ha loogu daro  markaas kadib hala ogaado waxay dareemayaan tusaale ahaan saaxiibkey Taabit Sideed bilood ama Sagaal Bilood ayuu joogay goormuu dadka baranayey, goormuu shaqada baranayey marka laga yaabo inuu bulshadii fahmo inuu shaqadii fahmay waxaa laga yaabaa inay bahashu ku timid, aniga laftigeyga waxaan joogay Sanad iyo Shan bilood cimri dheer hadda ma joogin waxaa ii degsanaa qorshe sanadeed waa ii qeybsanaa fadhiisinta shaqada iyo shaqaalaha,wax qabad, kordhin daqli, horumarinta magaalada, kaabayaasha dhaqaalaha, dhisidda waddooyinka waxaas ayaa ii muuq-muuqday oo markaas ayaan la jaan qaaday is badallada faraha badan dowladnimada dib ayeey u dhigeysaa.

Goobjoog News: Guddoomiyaha aad magaciisa ka dhawaajisay Taabid Cabdi ee hadda la badalay sababta loo badalay hal mid ayey dadka ogyihiin inuu ku dhawaaqay shir dadka caasimadda ku tashanayaan ma u aragtaa in arrintaasi uu dhibane uu u noqday?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: ciddii badashay ayaa la weydiin karaa sababta ay u badashay looma aaneyn karo iska tag macno weyn maahan balse umaddaan inay shir iskugu yimaadaan wax dhib weyn ah oo dalka, dadka ay u keeni laheyd ma jirin wax weyn oo hadda la isku maagana ma aheyn, marka waxaa laga yaabaa asbaabo kale inay jireen ayaa suurto gal ah, haddii lacalla ay taas tahay laftigeeda iyaga ayaa laga rabaa in laga cadeeyo sababaha ay u qoonsadeen shirkaasi waxaa suurto gal ah in markii hore uu la wadaagay ayaa laga yaabaa shirka uu qabanayo nuucyadiisa iyo cida uu yahay haddii uusan la wadaagin waa laga shakin karay iyada laftigeeda oo waa imaan kartaa in la shakiyo waxaas oo dhan waxay u baahantahay cidii shakisayiyo tii laga shakiyey ayaa u baahan in wax laga weydiiyo.

Goobjoog News:  Guddoomiyeyaasha waxaa soo magacaaba madaxweynaha oo hadda doorasho kuma dhacdo markasta sidiibuu yahay xiriirka ka dhaxeeya madaxweynaha markaasi jooga iyo guddoomiyaha gobolkan ee duqa Muqdisho?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: Hadba waxay ku xirantahay duqa iyo guddoomiyaha jooga iyo madaxweynaha markaasi jooga, sidiisaba madaxweynaha ayaa magacaaba isagaana xilka ka qaada, duqa magaalada si toos ah ayuu madaxweynaha uga amar qaataa wada shaqeyna wasaaradda arrimaha gudaha ayey kala dhaxeysaa mar walba waxaa la rabaa qofka xiriirka inay fiicantahay waa lagama maarmaan.

Goobjoog News: Muddo Afar sano ah afar guddoomiye ayaan mareynaa sidee ayaa si dhihi kartaa arrintaasi waa looga bixi karaa?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: waxaa looga gudbi karaa in sanad walba lamaga caabo waxay ka mid tahay masiibada heysta magaalada muqdisho cawaaqib xumada laga dhaxlana waa loo jeedaa dalkaan sidiisaba waxaa uu u baahanyahay xasilooni,xasilooni siyaasadeed mid amni iyo mid dhaqaale ayuu u baahanyahay ma iska imaan karaan bilooyin waxba kuma yimaadaan waxay u baahantahay taas si looga gudbo waxay u baahantahay in shacabkaan magaalada Muqdisho jooga inay gaaraan cidii matali laheyd ama xukumi laheyd inay iyagu doortaan haday u bogi waayaan ay dhahaan diidnay haddii ay arkaan inuu wax u qabanayo ay dhahaan aqbalnay taas hadaan la helin digreetada waa aay iska soconeysaa.

Goobjoog News: Yey tahay cida larabo inay arrintaasi ka shaqeyso illeen shacabka cid ayaa mataleysa iyaga toos shaqada uma qaban karaan maa madaxtooyada ayaa laga rabaa yey tahay shaqadaas inay qabato?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: shaqadaasi kow waxaa mas’uul ka ah ninka loo magacaabo oo shacabka gobolka banaadir qofkii loo doortay inuu madax unoqdo kow ayuu ka yahay balse waa inuu xiriir iyo latashi uu kala dhaxeeyo madaxweynihii qaranka iyo ra’iisulwasaaraha waa inay is oglaasho ay jirtaa is oglaasho markay jirto markaasi uu qofka uu ku dhaqaaqi karaa abaabul.

Aan ku darsado maqaamka ka hadlaya caasimadda waxaa jira qodob dastuuri ah oo sheegaya in arrintaasi ay u taalo oo go’aan uu ka gaarayo baarlamaanka marka dhibaatada waxay ka taagantahay waa baarlamaanka marka baarlamaanka ayaa laga rabaa dhibaatada heysta dadka iyo dalkaan in horay ay uga gudbiyaan.

Goobjoog News: dad badan waxay u arkaan inay qalad tahay in baarlamaanka la siiyo awooddaas in muqdisho oo caasimaddii ah iyaga go’aan ka gaaraan,oo waxay u arkaan dadka deegaanka in arrintaasi sigaar ay uga hadlaan?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: mar walbaba deegaanka dadka dadaa matala hadda tusaale ahaan markii la yiraahdo xildhibaanno ayaa matala dadkaan oo ku jira iyaga ayaa la rabaa inay u doodaan waxa ay Banaadir rabto haddii xildhibaannadii ay gabeen wixii laga rabay eedda xildhibaannad ayaa iska leh .Qodobka 2-dd 2016 guddii dib u eegista dastuurka wuxuu soo sameeyay qaabka ay noqoneyso caasimadda Soomaaliya dastuurka dib u eegista ayaa lagu soo qoray waxay aheyd baarlamaanka inay u gudbiyaan ilaa iyo iminka iyaga ayuu horyaallaa waxaasi dadkii ka shaqeyn lahaa waa maamulka gobolka iyo xildhibaannadii baarlamaanka iyo madaxdii oo si ogol inay isla jaan qaadaan lkin is diidiid ayaa jira oo qofka walaba waxaa uu ku fakarayaa waxaan markii la sameeyo maxaa kaaga soo dhexbaxayo dhandhan la dhansanayo ayaa jira kaasi oo sababaya in wixii ay horay usoco waayo.

Goobjoog News: waxaa la soo magacaabay guddoomiye cusub oo gobolka uu yeesho maxaad is leedahay En Yariisow mudnaanta koowaad iyo labaad haka dhigto maadaama shaqadaan aad horay u soo qabatay?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: qof marka uusan guri uu aqoon albaabkiisa soo garaaco ama uu soo galo marka hore waxaa laga rabaa meesha uu fariisan lahaa waa inuu ka fiirsadaa marka uu fariisto ka dib waa inuu ka fiirsadaa meeqo dariishad ayuu guriga leeyahay  albaab meeqo ayuu leeyahay nal maleeyahay xagee leyrka ka shidaneysaa biyo haddii laguu keeno halkee saaranee inuu ka fakaro ayaa laga rabaa aniga waxaa ay ilatahay kow Cabdiraxman Yariisow waa nin soo shaqeeyay dowlad hoose ee wadanka Ingiriiska ayuu ka soo shaqeeyay dalkaana muddo badan ayuu dhexjoogay oo uu ka shaqeynayay maanta waxaa uu aad iyo aad u dhaami doonaa dad inta meelo kale ka yimid la iskaga magacaabi lahaa, mudo ayuu shaqeynaayey waana nin waayo arag ah waxaan isleeyahay kow inuu fariisto oo fahamka shaqada iyo shaqaalaha iyo marka uu fahmo iyo waxa la xiriira ka dib ayaa ku haboon tillaabooyinka horumarineed maanta, waxaa is leeyahay basic laga duuli karo ayuu Cabdiraxmaan dhaxlayaa.

Goobjoog News: duqa magaalada ayaa soo noqotay immisa sano ayuu u baahanyahay ayaad is leedahay guddomiyaha hadii la xadido?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: ku dhawaad guddoomiye gobol oo duq magaalo is wato waa labo mas’uuliyadood oo isa saaran wadankeenna maanta waxa uu u baahanyahay iyo daruufta aan ku jirno iyo dib u dhiska uu u baahanyahay marka laga fakaro oo laga yaabo hay’ado shisheeye inuu xiriir ina dhexmaro oo laga yaabo inay muddo kuu qabtaan ka dibna ay adiga ku fiirsanayaan haddii aad meesha ka baxdid iyagana ay dariishadda ay ka baxayaan waxay u baahantahay in fursad la siiyo fursaddaas ayaa qofka waxaa uu ku haminayo ama uu ku gaari karo ugu yaraan qofka markii la siiyo afar sano ama saddex sano saddex sano wixii ka muuqan waayo waa waxaan soo socon ayaa la dhihi karaa,maxaa yeelay islaanta marka aad guursato oo aad mudo joogtaan haday uur qaadi weyso waad shakinee maxaa ay dhacay ayaa meesha imaaneysa,su’aashaada markaan u soo laabto waxaa uu u baahanyahay waqti uu ku fakari karo waxana uu ku qaban karo dadkana ay marqaati uga kici karaan inuu waxqabanyo iyo inuusan wax qabaneyni.

Goobjoog News: si loo helo magaaladaan oo maqaam yeelato isla markaasna magaaladaan ay dadkeeda doorasho aadaan ama qofka hogaaminaya ay soo doortaan si wareegtada ay u is taagto maxaa soo jeedineysaa?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: waxay u baahantahay shacabka magaaalada muqdisho toban jeer ka badan ayuu sheegay inay wax ka maqanyihiin uma dhinna shacabka magaalada muqdisho,waxay u baahantahay indheer garadkooda,xildhibaannadooda iyo mas’uuliyiinta markaasi gobolka joogto iyo madaxda qaranka in isla wado ay iskula jeestaan ayay u baahantahay oo ah side looga bixi karaa dhibaatada magaalada muqdisho heysato,hadda magaalada muqdisho dhibaatada umadda ku haysata ma maleyn kartid cid ka naxda oo gaara waa inay jirtaa una damqaneyso amnigeeda, siyaasadeeda, horumarkeeda iyo dhaqaalaheeda marka wixii oo dhan haday isku dhex yaac noqdaan waa arrin aad iyo aad u dhib badan.

Goobjoog News: ayaan dhaweyd waxaa soo shaac baxay magaalada Muqdisho waa lakala leeyahay iyo lama kala laho doodaas maxaad ka oran laheyd?

Yuusuf Xuseen Jimcaale: dadku isku aragti maahan muqdisho waa caasimadda Soomaaliya cid kasta oo Soomaali ah dibad iyo gudaha ha joogeene ayaa iska leh caasimadna u tahay,waxaa ladahaa Soomaaliya nabd kama jirto horumar kama jiro islamarkaasna waxaad dareemysaa gobollada Soomaaliya kuwaa horumar someynaya oo xasilooni iyo amni ka jiraa gobollaa mashaariicdooda horay u socotaa maxaa looleeyahay Soomaaliya dhibaa ka jira wax kale maahan caasimaddii ayaa jiran haday caasimaddu caafimaad qabto Soomaaliya waa ay caafimaad qabtaa haday caasimaddu bugto Soomaaliya waa ay bugtaa maxaa saas loo leeyahay Soomaaliya waxaa loo yaqaanaa muqdisho dadka Soomaaliyeed caasimaddoodu waa halkaani.

W/Q: Jaamac Shidane