U bood dhigaalka

Warfaa oo Sharaxaya Sida Soomaaliya Loogu Ogolaadey Iney Soo Ceshato Codkeeda Ururka shaqaalaha adduunka

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa hadda loo ogolaadey iney cod ku yeelato ururka shaqaalaha adduunka, waxaa ay  xayiraad ay ka saarneyd codaynta, balse hadda wuxuu dalka awood buuxa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo.

Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xubnood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa.

“Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan dib u helno codkii aan ku lahayn ururka shaqaalaha adduunka ee xayiraadda naga saarnaa tan iyo markii dowladdii dhexe ay meesha ka baxday.” ayuu yiri wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa oo magaalada Geneva kaga qeybgalay shir weynaha shaqada adduunka.

Wasiir Sadiiq Wafaa, oo sii-hadalaya “Si la mid ah dalalka xubnaha ka ah ee haddana codka leh ayaan tagi doonaa miiska wada-hadalka halkaa oo aan fursad u heleyno in codkeenna la dhageysanayo… run ahaantii waa guul weyn in 33 sanno ka dib ay arrintan suragal noqotay.” ayuu ku daray wasiir Warfaa.

Goobjoog News