U bood dhigaalka

Wariye Axmed Kismaayo Oo Geeriyoodey

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa saakay dalka India ku geeriyoodey Wariye Axmed Maxamed Cali oo maalmihii ugu dambeeyay aad u xanuunsanayey.

Axmed Kismaayo ayaa bilihii ugu dambeeyay ku jirey Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi, hase ahaatee waxaa loo qaadey India oo uu ku dhintay.

Kismaayo ayaa noqday guddoomiyahii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland inkasta oo uu iska casilay xilkaasi, sidoo kalena wuxuu kasoo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed waxay tacsi tiiraanyo leh ka dirayaan geerida wariye Axmed Kismaayo.

Goobjoog News