U bood dhigaalka

Wariye Axmed Xasan Cawke Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Abaare Waabarigii saaka ayaa lagu soo waramayaa in wariye Axmed Xasan Cawke uu ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Allaha u naxariistee Cawke ayaa la sheegay in maalmahaan dambe uu iska yara xanuunsanayay, balse aanu ahayn xanuun daran, sida Goobjoog News u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehladiisa.

Taariikhda Waiye Cawke oo aynu kasoo xigannay BBC

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii Soomaaliya , kadibna wuxuu noqday wariyahii gaarka ahaa ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii Soomaaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee idaacadda BBC 1996

Wuxuu kaloo kasoo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA , Telifishanka Universal , HCTV , iyo Telifishnka Somaliland National TV .
Axmed Xasan Cawke waxaa la keenayaa Maydkiisa Somaliland oo lagu aasi doono.

 

Goobjoog News