U bood dhigaalka

Wariye Boqorka Bartamaha Oo Laga Sii Daayay Xabsi Ku Yaalla Itoobiya

Sheeko:Dalka

Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) ayaa Afar sano kadib waxaa laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya, kadib markii ay maxkamad ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah.

Dedaal badan oo ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in lagu soo daayo wariyahan iyo sidoo kale muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed.

Boqorka bartamaha ayaa ehladiisa kusoo wargeliyey inuu hadda yahay xor, islamarkaana kusoo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

“Waxaan buuxiyey foomkii sii deynta, waxaan joogaa qeybta socdaalka ee Itoobiya, waxaan sugayaa madaxda safaaradda, waxaan aad ugu mahadcelinayaa madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku dedaalay inaan xor noqdo” ayuu yiri Wariye Boqorka Bartamaha.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa mudadii ay dalka maamuleysay waxay ku guuleystay in dowladda Itoobiya kasoo deyso maxaabiis badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalena waxay dhowaan dowladda lasoo wareegtay maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla jasiiradda Seychelles .

Goobjoog News