U bood dhigaalka

Wariye Boqorka Bartamaha Oo Saacadaha Soo Aadan Laga Soo Dejinayo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wariye Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) oo muddo Afar Sano ah u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah la keeno magaalada Muqdisho.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleysatay in Boqorka Bartamaha kasoo deyso dowladda Itoobiya, iyadoo dowladdii hore ay marar badan isku dayday balse aanay u suurtagelin.

Wariye Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartamaha oo ah Weriye rug cadaa ah ayaa dowladda Itoobiya ku xukuntay 27 sano oo xarig ah.

Mar uu wariyahan si kooban ula soo hadlay ehelkiisa ayuu aad ugu mahadceliyey dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay sabab u tahay xorriyadda la siiyey.

Sidoo kale dowladdan ayaa ku guuleysatay in maxaabiis aad u badan oo Soomaaliyeed ay sidan oo kale uga soo deyso dalka Itoobiya iyo jasiiradda Seychelles.

Goobjoog News