U bood dhigaalka

Wariye Caan Ah Oo Ku Geeriyoodey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada Muqdisho ku geeriyoodey wariye C/risaaq Aadan Qoslaaye oo ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu magaca dheer.

Qoslaaye ayaa la sheegay in uu naqaska ku xirmay, kadibna loola cararay Isbitaal, balse uu halkaasi ku dhintey, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah ehladiisa.

Allaha u naxariistee Meydka Wariye Qoslaaye ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qoslaaye ayaa horey uga soo howlgalay waraabhinnada kuwa maqalka iyo sidoo kale kuwa la iska arko intaba, wuxuuna haatan ka howlgalayey Talefishinka Kalsan.

Bahda Goobjoog waxay tacsi u dirayaan dhammaan ehlada iyo qaraabada uu ka baxay C/risaaq Qoslaaye.

Goobjoog News