U bood dhigaalka

Wariye Cumar Seerbiya Oo Dib u Helay Xorriyaddiisa

Sheeko:Dalka

Wariye Cumar Cali Xasan (Seerbiye) oo muddo Saddex cisho ah ku xirnaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah dib u helay xorriyaddiisa.

Ciidamada laanta socdaalka ee Somaliland ayaa Seerbiya ku xirey Axaddii garoonka magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Dedaal dheer oo la sameeyay kadib waxaa lagu guuleystay in xorriyaddiisa uu dib u helo wariye Cumar oo ka tirsan wariyeyaasha ka howlgala Goobjoog Media Group.

Maamulka sare ee Goobjoog Media Group, wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa cid walbo oo ka qeybqaadatay sii deysmada Cumar iyo sidoo kale cid walbo oo ka damqatay xarigga wariyaheenna.

Goobjoog ayaa ah warbaahin madax bannaan oo xarunteeda dhexe tahay magaalada Muqdisho, waxaana ay ka kooban tahay Idaacado, Tv iyo sidoo kale Website-yada.

Goobjoog News