U bood dhigaalka

Wariye Cumar Seerbiya Oo Maaalintii Labaad Ku Xiran Magaalada Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wariye Cumar Cali Xasan (Seerbiya) oo ka tirsan wariyeyaasha ka howlgala Goobjoog Media Group ayaa maalintii Labaad ku xiran magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Cumar oo maalintii shalay ahayd gaarey magaalada Hargeysa ayaa saldhigga Booliiska ee garoonka magaaladaasi waxaa ku xirey ciidamo ka tirsan laanta socdaalka ee Somaliland.

Cumar ayaa sanadihii ugu dambeeyay la shaqeynayey Goobjoog oo warbaahin madaxbannaan.

Weli ma cadda ulajeedka loo xirey Cumar Seerbiya, balse Booliiska Somaliland ayaa ku gaabsanaya iney wadaan baaritaanno, kadibna ay saxaafadda dib kaga faaah faahin doonaan.

Maamulka sare ee Goobjoog Media Group wuxuu ka dalbanayaa Somaliland iney si shuruud la’aan ah ay xorriyaddiisa ku siiyaan Cumar Seerbiya.

Goobjoog News