U bood dhigaalka

Wariye Cumar Seerbiya Oo Maalintii Seddaxaad Ku Xiran Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wariye Cumar Seerbiya oo kamid ah wariyeyaasha ka howlgala Goobjoog Media Group ayaa maalintii Sedaxaad ku xiran magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Cumar ayaa la xirey xilli uu ka degay garroonka magaalada Hargeysa, waxaana xiray ciidamada laanta socdaalka ee Somaliland.

Weli ma jirto cid caddeysay waxa ay ku haytaan wariye Seerbiya, balse waxaa socda dedaallo kala duwan oo lagu doonayo in Cumar lagu sii daayo.

Maamulka sare ee Goobjoog Media Group, waxay ka dalbanayaa Somaliland in si shuruud la’aan ah ay kusoo daayaan wariye Cumar Seerbiya oo maalintii Seddaxaad gacantooda ku jira.

Goobjoog News