U bood dhigaalka

Wariye Hindiya Jaamac Maxamed Oo u Geeriyootay Dhaawacii Maanta Kasoo Gaaray Qaraxii Lala Eegtay

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Hindiya Maxamed Jamac oo ka mid ahayd wariyeyaasha ka howlgala warbaahinta dowladda.

Hindiya ayaa dhaawac xooggan waxa uu kasoo gaaray qarax Miino oo la sheegay in uu ku xirnaa gaarigeeda, xilli ay kasoo baxday mid ka mid ah jaamacadaha ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa dhaawaceedu aad u darnaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah dhaqaatiirta xaaladeeda ku dadaalayay, hase ahaatee tii Alle ay ugu dambeyn u timid oo ay geeriyootay.

Sanadkii 2012-kii ayaa qaraxyo ka dhacay maqaayad ku taallay Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Liiban Cali Nuur oo ahaa sayga Hindiya.

Goobjoog News