U bood dhigaalka

Wariye sanado afduub loogu heystay Mudug oo xoriyadiisa dib u helay

Sheeko:Dalka
Micheal Scott, waqtigii uu ku jiray gacanta afduubayaasha
Micheal Scott, waqtigii uu ku jiray gacmaha af-duubayaasha

Waxaa maanta xoriyadiisa dib u helay suxufi kooxo burcad badeed Soomaali ah ay haysteen ku dhowaad saddex sano. Micheal Scott  oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa ku jiray gacmaha afduubayaasha ee gobolka Mudug.

Micheal Scott  ayaa la afduubtay January 2012-kii waqtigaas oo uu doonayay in uu wax ka qoro Soomaaliya iyo burcad badeeda, waxaana mudadii la haystay uu ku sugnaa dhul baadiyo ah.

Axmed Muuse Nuur guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo muddo kooban ay wada joogeen Micheal ayaa u sheegay warbaahinta in wariyahan lagu soo wareejiyay Puntland si nabad gelyo leh looga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo.

Ma jiro wax war ah oo cadeynaya in lacago madax furasho ah lagu sii daayay wariyhan.

Wariyahan ayaa la shaqeynayey warbaahin ka howl gasha dalka Jarmalka.