U bood dhigaalka

Wariye Yaasmiin Mayoow Oo Geeriyootay

Sheeko:Amniga

Allaah unaxariistee waxaa goordhow gudaha dalka Turkiga ku geeriyootay wariye Yaasmiin Maxamed Mayoow oo kamid aheyd saxafiyiiinta Soomaaliyeed ee muddada kusoo jiray howlaha saxaafadda.

Yaasmiin ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay la jiiftay xanuun soo wajahay, waxaana ugu dambeyn ay maanta ku geeriyootay Isbitaal ku taalla dalka Turkiga oo maalmihii dambe lagu baxnaaninaayey.

Allah unaxariistee Marxuumad Yaasmiin ayaa siweyn looga yaqaanay saxaafadda gudaha iyo dibadda  waxaana lagu xasuustaa in ay kamid aheyd shaqaalihii muddada ka shaqeynayey idaacaddii Xurmo.

Goobjoog News