U bood dhigaalka

Wariyeyaal Lagu Xirey Jowhar iyo NUSOJ oo Cambaareysey

Sheeko:Dalka

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta si kulul u cambaareeyay xarrigga Tifaftirihii iyo Agaasimihii Idaacada oo maamulka gobolka Shabeelada dhexe ugu geystay magaalada Jowhar, uguna baaqay inay si bilaa shuruud ah xorriyadda weriyayaasha loo celiyo.

Cabdishakuur Cabdullahi Axmed, tifaftirihii Idaacadda Asal, ahna wakiil wareedka telefishinka Som News iyo Adan Xuseen Daauud oo ah Agaasimaha Idaacada ASAL, ahna wakiil wareedka telefishinka SOM News ayaa maanta oo Sabti ah 18 Luulyo, abaaro 11:00 subaxnimo, ayaa maamulka gobolka Shabeelada Dhexe xabsiga magaalada Jowhar u dhaadhiciyey, kadib markii weriyayaashu shaqo u tageen dibadbax magaaladaas ka dhacayay, oo markii dambe isku bedelay mid rabshado wata.

“Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay tifaftirihii iyo agaasimihii Idaacadda Asal xili ay shaqo u tageen goob banaanbax ka dhacayay” ayuu yiri Maxamed Abukar Caseyr, Agaasimaha Idaacada Jowhar, “Waanu kala hadalnay xarriga weriyayaasha maamulka gobolka, balse waa nasiib darro inay weli xabsiga ku sii jiraan.”

Maamulka gobolka shabeelada dhexe ayaan si rasmi ah uga hadlin xarriga weriyayaasha.

Ururka Suxufiyinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay tallaabadaas lagu xiray tifaftiraha iyo agaasimaha idaacadda ASAL, isla markaana wakiil wareedyo u kala ahaa Telefishinka Royal TV and Som News, waxaana ku baaqaynaa in xorriyadooda loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.

“Waa nasiib darro in tifaftirihii iyo agaasimihii Idaacada ASAL xabsiga loo taxaabo, iyagoo waajibkoodii shaqo gudanaya,”: ayuu yiri Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, “Waxaana ku baaqeynaa in labadan weriye xorriyadooda sida ugu dhakhsiyaha badan loo celiyo.”

Goobjoog News