U bood dhigaalka

Wasaarada Beeraha, Dowlada Talyaaniga iyo FAO oo kala saxiixday heshiis lagu hormarinayo Beeraha

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta heshiis ku wada saxiixday magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Siciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hey’adda Horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hey’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot , heshiiskaan ayaa khuseeya horumarinta Beeraha iyo Waraabka dalka.

Heshiiska waxaa qayb ka ah dib-u dayactirka Xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho, hirgalinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka (Meodern Irrigation Technology) iyo Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha.

Dowlada Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay wadamada taageera Dowlada Soomaaliya gaar ahaan dhinaca dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarada, waxay sidoo kale door weyn ku lahayd casriyeynta beeraha Soomaaliyeed, iyadoo si weyn loogu xusuusto kaalinteedii beerida iyo suuq-geynta mooska Soomaaliyeed.

Heshiiskaan ayaa waxaa farsamo ahaan hirgalin doona Hey’adda FAO ee Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Beeraha.

Waxaa munaasabada kasoo qayb galay Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulaahi Xaamud, Wasiir ku-xigeka Beeraha Xaamul Cali Xasan iyo Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamuud Maxamed Maxamuud.

Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dalka, isla markaana loo dhiiri gelin lahaa beeraleyda Soomaaliyeed.

Goobjoog News