U bood dhigaalka

Wasaaradaha Caafimaadka Soomaaliya Oo Agab Caafimaad U Dirtay Gobolka Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradaha Caafimaadka Xukuumadda Fadaraalka, ayaa maanta agab caafimaad oo loogu tala galay Ka hortaga COVID-19 gaarsiiyay Gobalka Mudug kaas oo qeyb ka ah ololaha la dagaalanka faafitaanka xanuunka COVID-19 ee ay wado dowlada fedaraalka Soomaaliya.

Isku duwaha wasaarada caafimaadka Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi oo ugu horeyn ka hadlay madasha wareejinta agabkaan ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isagoona uga mahad celiyay Midowga Yurub iyo wasaarada caafimaadka Soomaaliya.

Duqa Dagmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre iyo gudoomiyaha dagmada gobalka Mudug ayaa iyaguna ka mahad celiyay iyagoona xusay in agabkaan uu ku soo beegmayo xilli walaac xoogan oo la xariira xanuunka COVID-19 uu ka jiro Gobalka Mudug.

Gudoomiyaha ururka haweenka Gobalka Mudug Maymuun Cali nuur iyo  gudoomiyaha ururada Bulshada rayidkaa Baashi Xasan Erag ayaa oo ku hadlayay magaca Bulshada ayaa bogaadiyay talooboyinka dowlada fadaraalka sSoomaaliya ee ku aadan la dagaalanka safmarka COVID-19.

Goobjoog News