U bood dhigaalka

Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad Gobaleedyada oo Xiriirkii U Jaray Wasaaradda Maaliyadda Federaalka

Sheeko:Dalka

Wasaarahada maaliyadda dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, ayaa sheegay in ay gebi ahaanba xiriirkii u jareen wasaaradda maaliyadda DFS.

Kulan dhanka fogaan aragga ah oo dhexmaray wasiirada maaliyadda shanta dowlad gobaleed ee dalka ayay ku sheegeen in ay wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ay ka baxday dhammaan heshiisyadii wadashaqeyneed ee ay la laheyd dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.