U bood dhigaalka

Wasaaradaha Warfaafinta Maamul goboleedyada Oo Dalbaday In Wax Laga Qabto Cabashada Saxafiyiinta Ee Xeerka Saxaafadda

Sheeko:Dalka

Wasaaradaha Warfaafinta Maamul goboleedyada dalka ayaa dalbaday in baarlamaanka federaalka ah aan la horgeyn sharciga Saxaafada inta qaar ka mid ah warbaahintu sharcigaasi ay ka cabanayaan.

Hadalkan ayey wasiiradu waxa ay ka sheegeen kulan wada tashi ah oo u dhexeeya wasaarada Warfaafinta DFS iyo Kuwa maamul goboleedyada kaas oo hadda ka socda magaalada Muqdisho.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya wasiirka warfaafimnta dowladda federaalka ah Cabdiraxmaan Yarisow, waxaa kale oo jooga wasiiro kala matalaya maamulada kala ah Hishabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubaland

Waxaa kale oo kulanka Goobjoog ka ah Xeer ilaaliyaha qaranka iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka Xildhibaan Khaalid Macow Cabdiqadir.

Sharciga Saxaafadda oo hadda maraya akhrinta 1aad, waxaa uu ku jiraa gacanta golaha shacabka, kadibna waxaa loo gudbin-doonaa aqalka sare kadibna madaxweynaha….sharcigan waxaa cabasho ka keenay saxafiyiinta, iyadoo ay ku jiraan qodobo isburinaya.

Xeerka oo la sheegay in wasaaradda warfaafinta ay ku sameysay dib u eegis waxaa ku jira qodobo is burinaya, waa xeer la leeyahay waxaa lagu dhisayaa guddi madaxbanaan laakin isla guddigaasi waxaa magacaabaya wasiirka warfaafinta.

Arrimo La Xiriira Xeerkan:

Xildhibaan Fiqi “Sharciga Saxaafadda Wuxuu u Egyahay Sharciga Xilligii Milatariga”

 

Xeerka Saxaafadda: 10 Sabab Oo Aan Loo Ansixin Karin

Goobjoog News