U bood dhigaalka

Wasaaradda Aminga: Dadka Ugu muhiimsan Ee Aan Rabno In Amnigooda Ka Shaqeyno Waa Musharraxiinta

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in si aad ah loo sugi doono amniga guud ee dalka gaar ahaan meelaha lagu qabanayo doorashooyinka.

Wasiirka wasaaraddaasi C/risaaq Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in la sameeyay guddi amni, islamarkaana la dejinayo qorshe lagu sugayo ammaanka guud.

“Guddigaasi waa la sameeyay, Ra’iisul wasaaraha ayaa wareegto ku magacaabay aniga soo gubdin baan lahaa, wuxuu ka kooban yahay maamul goboleedyada oo dhan dad matala, ciidnaka Booliiska, Wasaaradaha amniga iyo Gudaha, hay’adda Nabad sugidda, waxaa kaloo qeyb ka ah AMISOM iyo UN, marka guddigaasi waa la sameeyay howshooda wey billaabeen weyna u socotaa,  iyaga ayaana isku maqan”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay dalbadeen marar badanna ku celceliyeen qalab looga hortago qaraxyada, haatanna ay sugayaan.

“Annaga maar walbo waan dalbannaa qalab looga hortago qaraxyada iyo wixii la mid ah, waan sugeynaa”

Sidoo kale wasiir C/risaaq ayaa sheegay in rajo aad u wanaagsan ay ka qabaan in doorashada sanadkaan dalka ka dhici doonta in ay ku dhacdo si nabad galyo ah.

“Waxaan aaminsanahay in 100% doorashada ay si ammaan ah ku dhicci karto haddii guddiga amniga keenaan qorshihii amniga lagu sugi lahaa, markii ay keenaan qorshahaas laguna dhaqmo waxaan aaminsanahay in  doorashada sidii la rabay iyo si ka wanaagsan u dhici karto, 2012 dalka doorasho ayaa ka dhacday gaar ahaan Muqdisho, wax ka dhacay malahayn, 2016 oo meello kala duwan ka dhacayaan doorashada wey sii sahlanaan doontaan”

Waxaa jiray walaac ay muujiyeen musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne qaarkood oo ku saabsan dhanka amniga, balse wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Maxamed wuxuu hoosta ka xarriiqay in waxa ugu horreeya ee amnigooda la sugi doono tahay musharraxiinta.

“Guddigaan shaqadooda waxay tahay in la sugo amniga musharraxiinta, ergada imnaaneyso ee codeynaysa, in la suga goobaha doorashooyinka ka dhacayaan dadka ka shaqeynaya, intaas oo dhan waa ay jirtaa, dadka ugu muhiimsan ee aan rabno in amnigooda ka shaqeyno waa Musharraxiinta isa soo sharaxaysa”

Dalka waxaa sanadkaan ka dhici doonta doorashooyin dadban, waxaana jirta qorshe ballaaran oo dowladda Federaalka iyo AMISOM ku doonayaan in  lagu sugo amniga goobaha lagu qabanayo doorashooyinka.

Goobjoog News