U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Galmudug oo Hub iyo Maleeshiyaad Lagu Wareejiyey

Sheeko:Amniga

Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa qaar kamid ah beelaha dega  Gobalka Mudug kala wareegtay hub iyo gadiid dagaal, taas oo qeyb ka ah qorshaha  dardar gelinta diyaarinta Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo in dhammaan deegaannada Galmudug ay ka bilaabaan howlgallo ay ku gaarayaan kuwa ka maqan.

Qaar Ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyo beeleedyada waraajiyay hubka iyo gaadiidka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ka mid noqoshada Ciidamada daraawiishta Galmudug ee la qorsheynayo in marka ay soo dhamaadaan tababaridooda ay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabab.

Wasiirka wasaaradda amniga  Axmed Macalin Fiqi  ayaa horay u sheegay in ay bilaabayaan diyaar garowga ay ku garayaan deegaannada Galmudug oo ay ka arimiyaan Al-shabab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug, wasaaradda ayaana maalmihii dambe la wareegeysay maleeshiyaadka ku sugan Galmudug.

Wasiirka oo lagu  wareegay maleeshiyadaan ayaa uga mahad celiyay waxgaradka beelaha ay maleeshiyaadkoodu wareejiyeen agabkaan ciidan kaalinta ay ka qaateen in uu taabo galo qorshaha lagu wareejiyey Maleeshiyadaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay  in maleeshiyaadkii horay u heystay hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu wareejiyay ay u sameeyn doonaan dhaqan celin iyo tababar isla markaana ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo dhismihiisa ay bilowday wasaaradda amniga.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in qorshahooda ugu horreeya uu noqon doono ka shaqeynta amniga iyo nabad galyada Guud ahaan deegaannada Galmudug iyo sidii maamulka uu k gaari lahaa deegaannada ka maqan gacanta dowlad goboleedka Galmudug.

Goobjoog News