U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Hirshabelle: Isbedal Amniga Oo Aan Hore Loo Arag Baan Keenaynaa

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegtay in isbedal amni oo aan horey looga baran deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ay keeni doonaan.

Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Ibraahim Cali oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ciidamada Hirshabelle ay bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo.

Waxa uu sheegay wasiirka in wasaaraddaasi ay qaban doonto shaqooyin ay shacabka Hirshabelle dareemi doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wasaaradda amniga waxay qaban doontaa howlo dardar ah, waxaan amniga ka qaban doonnaa waxyaabo aan looga baran horeyna aan looga aqoon” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka amniga ee maamulka Hirshabelle ayaa imaanaya xilli deegaanno uu ka arrimiyo maamulkaasi ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoog News