U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Oo Ka Hadashay Xaqiijinta Amniga Imtixaanaadka

Sheeko:Dalka

Xasan Xuseen Maxamed wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleyshiyaadka ahna ku simaha wasiirka amniga maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in wasaaradda amniga ay si weyn u adkeysay ammaanka goobaha kala duwan ee uu ka dhacayo Imtixaanaadka ay dowladda federaalka ah qaadayso.

Xasan Xuseen ayaa sheegay in saddex goobood oo kala duwan ay imtixaanaadkan ay ka dhacayaan iyadoo la geeyay goobahaasi ciidamo kala duwan oo is kugu jira boolis iyo nabad sugid si loo ilaaliyo ammaanka goobaha Imtixaanka.

“ Ciidamada waxay u diyaar garoobeen in amniga goobaha uu Imtixaanka uu ka dhacayo ay sugaan meel walba oo ka tirsan deegaannada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, ardada Imtixaanka galaysana waxaan u rajeynayaa inuu ilaahey u fudideeyo”.

Maalintii shalay ayaa waxay ka mid aheyd magaalada Baydhabo goobaha uu ka bilowday Imtixaanka Mideysan oo ay dowladda Soomaaliya ay qaadeyso .

Goobaha Imtixaanka uu ka dhacayo ee magaalada Baydhabo ayaa waxa ay yihiin saddex goobood oo waaweyn kuwaasi oo loogu talo galay in lagu qaado Imtixaanka mideysan iyadoo goobahaas si weyn loo adkeeyay ammaankooda.

Goobjoog News