U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga: Lama Soo Xiro Dad Aan Loo Hayn Eedeymo Caddeyn Leh

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa iska fogeysay inay Xabsiyada Dowladda ku jiraan dad eedeymo aan caddeyn lahayn loo soo qabtay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin Xersi oo ka hadlay dhibaatooyika ay ka cabanayaan Shacabka Muqdisho qaarkood oo ay ka mid yihiin inay iska soo xiraan Ciidamada Dowladda dad aan caddeymo loo heyn ayaa arintaasi ku Tilmaamay mid aan Hubal ahayn.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan Ciidamo gaar ah oo loo qorsheeyay inay kala cadeeyaan dadka Howlgallada lagu soo qabto kuwaasi oo ka tirsan Ciidanka NISA isaga oo shaaciyay sidoo kale in Ciidamada Dowlada Todobaadkii la soo dhaafay ay guulo ka gaareen howlgalo laga fuliyay Gobolada Dalka Qarkood.

“Dad aqoon gaar ah u leh baaritaanka argagaxisa ayaa ka mid ah ciidamada howlgalaaya, dadka markii lasoo meel ayaa la isugu geynayaa, waa la eegaa dhammaan dadka wixii argagaxiso ah ee ku dhex dhuumanayana gacanta ayaa lagu soo dhigayaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Howlgalladii ugu dambeeyay laga sameeyay gonollada Banaadir, Jubada dhexe, iyo Galgaduud kuwaasi oo lagu soo qabtay sida uu Sheegay Saraakiil lala xiriirinayo Al-Shabaab inkastoo Xarakada Al-Shabaab aysan war ka soo saarin arintaasi.

Goobjoog News