U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Digniin U Dirtay Ganacsatada

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, C/casiis Xildhibaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in tallaabo cad laga qaadi doono ganacsadihii lagu helo inuu lacag u diro Al-shabaab, isaga oo ka baqaya hanjabaadaha ay u jeediyaan.

Waxa uu sidoo kale Afhayeenku sheega in milkiilayaasha garoomada yar yar ee lagu ciyaaro kubbadda aanay u hoggaansami karin ammar la sheegay inay dul-dhigeen Al-shabaab, kaasi oo ah inay xiraan garoomada.

Magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay amnigeeda sugaan ciidamada dowladda Federaalka, haddane aan loo dulqaadan karin in ay dhaqangalaan ammaro Al-shabaab ka soo baxa.

“Waxaan uga digeynaa ganacsatada inay lacag siiyaan argagaxisada Al-shabaab, iyaga oo u marinaya xawaalad, telaafan, Bangi ama si toos ah, cid walbo oo lagu arkana waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda ciidamada qalabka sida” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Ugu dambeyn, afhayeenka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka amni darro.

Goobjoog News