U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Ganacsatada Uga Digtey In Lacago Ay Siiyaan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aanno ganacsatada Soomaaliyeed looga digayo iney lacago siiyaan Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo saxaafadda u akhriyey go’aannadaasi ayaa sheegay in cid walbo oo Al-shabaab siisa lacag laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in Al-shabaab ay lacag ka qaadaan Ganacsatada qaarkood, iyaga oo lacagaasi ku sheegay Sako iyo waxyaabo kale.

Go’aanka wasaaradda hoos ka akhriso:

  1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab la siiyo lacagaha ay ugu yeeraan Taakuleynta Mujaahidiinta iyo Sakawaad.
  2. Cid walbo oo Al-Shabaab lacag siisa Talaabo aya laga qaadaya mana la aqbalayo in marmarsiyo laga dhigto Xoog ayay iga qaadeen ama wa la i handaday.
  3. Ganacsatada waxa loogu digaya in Al-Shabaab aysan taageerin oo aysan lacag siin.
  4. Cidii Al-Shabaab Maamul jira u aqoonsata Talaabo aya laga qaadaya.
  5. Xawaaladaha dalka ka howlgala Al-Shabaab lacag ma u keydin karaan lacagna ma u diri karaan.
  6. Shirkadaha Isgaarsiinta Al-Shabaab uma fududeyn karaan Adeegyada kala duwan ee Isgaarsiinta.
  7. Cid walbo oo go’aanadaan ka hortimaado talaabo ayaa laga qaadaya cid loogu aabo yeelayo ma jirto.

Goobjoog News