Wasaaradda Amniga Oo Ganacsatada Uga Digtey In Lacago Ay Siiyaan Al-shabaab
Sheeko:Dalka
Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aanno ganacsatada Soomaaliyeed looga digayo iney lacago siiyaan Xarakada Al-shabaab.
Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo saxaafadda u akhriyey go’aannadaasi ayaa sheegay in cid walbo oo Al-shabaab siisa lacag laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Waxa uu tilmaamay wasiirka in Al-shabaab ay lacag ka qaadaan Ganacsatada qaarkood, iyaga oo lacagaasi ku sheegay Sako iyo waxyaabo kale.
Go’aanka wasaaradda hoos ka akhriso:
- In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab la siiyo lacagaha ay ugu yeeraan Taakuleynta Mujaahidiinta iyo Sakawaad.
- Cid walbo oo Al-Shabaab lacag siisa Talaabo aya laga qaadaya mana la aqbalayo in marmarsiyo laga dhigto Xoog ayay iga qaadeen ama wa la i handaday.
- Ganacsatada waxa loogu digaya in Al-Shabaab aysan taageerin oo aysan lacag siin.
- Cidii Al-Shabaab Maamul jira u aqoonsata Talaabo aya laga qaadaya.
- Xawaaladaha dalka ka howlgala Al-Shabaab lacag ma u keydin karaan lacagna ma u diri karaan.
- Shirkadaha Isgaarsiinta Al-Shabaab uma fududeyn karaan Adeegyada kala duwan ee Isgaarsiinta.
- Cid walbo oo go’aanadaan ka hortimaado talaabo ayaa laga qaadaya cid loogu aabo yeelayo ma jirto.
Goobjoog News