U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga oo Ka Hadashay Askarta Shacabka Ku Disha Waddooyinka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay ciidamada hubeysan ee waddooyinka Muqdisho sida bareerka ah ugu dila dadka shacabka ah.

Warkan ay soo saartay wasaaradda amniga ayaa daba socday kadib markii  maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho si bareer ah ciidamo ka tirsan dowladda ugu dileen wadayaal aan waxba galabsan.

Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdikamil Macallin  oo ka hadlaya arrintan ayaa yiri;  “Waxaad arkaysaa qof isku ekaysiinaya shacabkii baabuur raaxa ah wata oo hadana geysanaya falal dhibaato ah markaa waxaa laga yaabaa ciidanka iyagoo ka taxadaraya dadkaas iney xadgudub sameeyaan waa suurogal, wax la ogolyahayna maaha sharcigaa la mariyaa haddii ay dhacdo oo ay si toos ah noosoo gaarto, askarigii geystana waa lala xisaabtamaa”.

Aabbe watay baabuur isla markaana ay la socdeen Labo carruur ah oo uu dhalay ayaa ilaalada mid ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda ay ku toogteen isgoyska dabka ee Muqdisho, ka dibna ay iskaga dhaqaaqeen goobtii ay dilka ku geysteen, iyadoo dhacdadaasi noqotay mid si weyn u gilgishay dareen dadka shacabka ah iyo wadayaasha gaadiidka wadada Makka al-Mukarama.

Magaalada Muqdisho ayaa ah magaalo Nabad ah, iyadoo mararka qaar la arko ciidamo ka tirsan dowladda oo si naxariis darro ah xabado ugu furaya dad shacab ah, gaar ahaan marka ay waddooyinka furanayaan ama ay arkaan gaadiid ay ka shakiyaan.

Goobjoog News