U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Ka Hadashay Weerarkii Cadaado

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay weerar saaka lagu qaaday halka laga soo galo xarunta uu ka socdo shirka lagu sameynayo maamulka Gal-mudug.

Afhayeenka Wasaaradaasi Maxamed Yuusuf oo u waramay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ay qaadeen Afar qof oo mid ka mid ah is qarxiyay, halka Seddaxda kalena ay toogteen ciidankii amaanka sugaayay.

Waxa uu sheegay in uljeedkooda uu ahaa in ay carqaladeeyaan halka uu ka soconayo shirkaasi, hase ahaatee ciidamada ay fashiliyeen weerarkaas waa sida uu hadalka u dhigaye.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin khasaare halkaasi kasoo gaaray ergadii ku sugneyn iyo sidoo kale ciidamada amaanka, islamarkaana xaaladda halkii ay wax ka dhaceen ay tahay mid degan.

Dhanka kale maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka arimiya magaalada Cadaado weli wax war ah kama aanu soo saarin weerarkaasi saaka dhacay.

Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa ka soconaya dhismaha maamulka Gal-mudug, kaasi oo Dastuurka maamulka yeelanayo la ansixiyay arbacadii shalay ahayd.

Goobjoog News