U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Ka Warbixisay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Wadajir

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Axmed Maxamuud Maxamed, afhayeenka wasaaradda amniga oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in halkaasi ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux oo shacab ah, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay 15 qof.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in Al-shabaab ay waxyeello u geysteen dad shacab ah oo aan waxbo galabsan, isaga oo shacabka ugu baaqay in lala shaqeeyo ciidamada ammaanka.

“Waxay laayeen masaakiin shacab ah, qaraxa wuxuu ahaa gaari lal abeegsaday degmada, dhowr iyo Toban ruux ayaa dhimatay, dhaawacna waa uu jiraa, shacabka waxaan ugu baaqeynaa iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka oo aan meel uga soo wadajeedsanno Al-shabaab” ayuu yiri Afhayeenka.

Qaraxii maanta ka dhacay degmadaasi waxaa dadkii ku dhaawacmay kamid ahaa guddoomiyaha degmadaasi iyo xubno kale oo maamulkiisa ka tirsan.

Goobjoog News