U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Shaacisay Ciddii Dishay Xildhibaan Dirir

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay cidda ka dabeysay dilka xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi oo shalay lagu dilay magaalada Muqdisho iyo sidoo kale qaabka dilkaasi uu u dhacay.

Afhayeenka Wasaaradaasi Maxamed Yuusuf oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xildhibaanka gaarigii uu saarnaa ay rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan dowladda, gaar ahaan kuwa Milatariga oo watay gaari nooca dagaalka ah.

“Baabuurikii ay wateen xildhibaanada oo ka tagay Baarlamaanka, marayayna wadada Makka Al-mukarrama ayaa waxaa kadaba yimid gaari ay saaran yihiin askar ka tirsan ciidanka xooga dalka, islamarkaana si xowli ah ku socday, hoon badanna u yeeriyay, gaarigii xildhibaanada waxa ay gaarigaasi u diideen seet in ay siiyaan, wey dhaafeen oo laamiga dhinaca kale seetka ayeey mareen, wey kusoo hor jareen kadibna rasaas ayeey ku fureen, waxaana mesha ka dhawaa ciidanka NISA oo howl adag ka hayay wadada Makka Al-mukarrama iyaga ayaa eryaday gaarigii ay wateen dadkii dhibaatadaasi geestay, dhacdadaasi waxaa ku naf waayay, xildhibaanka iyo darawalkiisa, waxaana dhaawac kasoo gaaray mid ka mid ah ilaaladii xildhibaanka oo ka tirsan ciidanka Booliiska iyo Lix ka tirsan ciidanka Milatariga oo ahaa ciidankii gaariga Xabadda ku  riday, dhacdadaan ma ahayn mid lagu bartilmaameedsanayay xildhibaanada, balse gaariga ciidanka wateen waxa uu u socday si mas’uuliyad darro ah, waxaana meesha ka dhashay kala shaki sababay in la’is rasaaseeyo, mana jiraan gacmo kale oo ku lug lahaa qaabka ay wax u dhaceen, dowladda waxa ay u saartay guddi ka kooban 7-xubnood, gudigaas waxaa la amray in muddo kooban kusoo gabagabeeyaan baaritaankooda, si loola tiigsado sharicga cid walba oo ku lug lahaa falkaasi” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Yuusuf.

Guddiga loo xilsaaray baaritaanka dilkaan ayaa laga sugayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku keenaan natiijada baaritaankooda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa cambaareeyay dilka xildhibaan Dirir.

Goobjog News