U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Shaacisey Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Hotel Dayax

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay khasaaraha ka dhashay weerarkii qaraxyada iyo dagaalka tooska ahaa ee isugu jirey, kaasi oo gelinkii hore ee maanta lagu qaadey Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaaraddaasi C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in weerarkii maanta ay ku dhinteen 10 qof, halka 51 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu wasiirka xaqiijiyey in ragga weerarka kusoo qaadey hotelka ay tiradoodu ahayd Afar, isaga oo tilmaamay in ciidanka amniga ee dowladda Federaalka ay dhammaan raggaasi toogteen.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku bogaadiyey ciidamada amniga sida ay usoo af jareen howlgalkaan oo uu sheegay in waqti badan aaney ku qaadan.

Mas’uuliyadda weerarkii hotel Dayax waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab, waxaana ay ku sheegeen qoraal ay baraha Internetka ku leeyihiin soo dhigeen iney gaareen hadafkii laga lahaa.

Weerarkaan ayaa ku bilowday qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari, waxaana raggan ka tirsan Al-shabaab markii ay gudaha hotelka galeen hadane dhacay qarax Labaad oo waxyeello soo gaarsiiyey wariyeyaal howlahooda shaqo ku guda jirey.

Dadka dhintey waxaa ku jirey Labo Malaaq oo kasoo jeeday K/galbeed kana mid ahaa waxgaradkii 135 oday dhaqameed.

Sidoo kale waxay waxyeellada ugu badan soo gaartay dad shacab ah oo qaarkood halkaasi ku ganacsanayey, qaar wadada marayey iyo sidoo kale dad kale oo lama filaan halkaasi dhacdadan ugu qabsatey.

Dhaawacyadii ugu badnaa ee ka dhashay weerarkaan waxaa la geeyey Isbitaalka weyn ee Madiina.

2-dii bishan ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootey kadib markii Al-shabaab ay Labo qarax ku  weerareen Hoteelka Peace ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News