U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Sheegtay In Gaari Laga Soo Buuxiyey Walxaha Qarxa Uu Ku Jiro Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in  magaalada Muqdisho uu ku jiro gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Abukar Islow Ducaalle ayaa shirkii maanta ee golaha wasiirada ku lahaayeen magaalada Muqdisho ka hor sheegay in gaarigan ku dhex jiro magaalada.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in gaarigani uu yahay NOHA oo loo ekeeysiiyay gaadiid ka shaqeeya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Islow ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka feejignaadaan gaarigan, isaga oo dhanka kalena laamaha ammaanka faray in si degdeg ah wax looga qabto arrintan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena danbe.

Goobjoog News