U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Sheegtay In Muddo Kooban Gudaheed Lagu Xasilinayo Amniga Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar Islow ayaa sheegay iney rajeynayaan Lixda bil ee soo aadan in Muqdisho ay noqoto meel amni ah, islamarkaana laga suuliyo qaraxyada, dilalka iyo wax walbo oo amniga wax u dhimaya.

Waxa uu sheegay wasiirka in sida kaliya ee amni looga dhigi karo Muqdisho ay tahay iyadoo hubka la iska dhigo, sidoo kalena hadda isbedal weyn oo amni laga dareemayo magaalada.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Kheyre ayuu sheegay iney ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo celiso amniga guud ee dalka.

“Waxaan rabnaa Lixda bil  ama sanadka soo socda in Muqdisho aanay cidna ku dhiman, lagu dilin qarax ama Bistoolad, waxayna sidaasi ku dhici kartaa hubkaan oo iska xareyno, dadka waxaan leeyahay yaan la baqin, waad argtaan in Muqdisho ay ka xasiloontahay sidii hore” ayuu yiri wasiirka Aniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wadda howlgallo lagu xasilanayo amniga, iyadoo sidoo kale ay socoto hub uruurin ay ciidanka xasilinta caasimadda sameynayaan.

Goobjoog News