U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga oo soo bandhigtay rag lala xiriirinaayo Al-shabaab, hub iyo gaadiid (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga xukuumada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay rag ay sheegeen in ay Al-shabaab ka mid yihiin iyo sidoo kale hub iyo Laba gaari oo ay wateen.

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadkaan ay soo qabteen ay ka mid ahaayeen dadkii dhibaatada ka geysanaayay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho.

Baaritaano dheeraad ah ayuu sheegay in ragaan lagu sameyn doono, islamarkaana ay wajihi doonaan maxkamad si cadaaladda loo hor keeno.

Afhayeenka ayaa digniin xoogan u jeediyay dad uu sheegay in ay caadeysteen isku ekeysiinta ciidamada dowladda Soomaaliya, ayna dhibaato u geystaan bulshada, isaga oo tilmaamay in maalin un gacanta lagu soo dhigi doono.

Magaalada Muqdisho waxaa Labadii maalin ee ugu dambeysay ka dhacay dilal loo geystay mas’uuliyiin, waxaana fuliyay rag hubaysan, misane gaadiid wata.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News